Madaxweyne Siilaanyo oo shirweynihii Xisbiga Kulmiye Cirka ku laalay
illaa wakhti aan la garanayn
Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha
Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa qo raal uu soo
saaray oo uu u kala diray Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye iyo
Golihiisa Dhexe ku cadeeyay Xukuumaddu inay ku mashquulsan tahay
hawlo waaweyn oo aanay ka haleeli Karin qabashada Shirweynihii
Xisbiga Kulmiye ilaa bisha laba iyo tobnaad ee sanadkan sidaa si
daraadeed waxa uu faray in dibu dhigista Shirweynaha ay ka taliyaan
Golaha Dhexe ee Xisbigu.
Qoraalka Madaxweynaha oo maanta oo Jimce ah soo baxay isla markaana
la gaadhsiiyay ho gaanka sare ee Xisbiga waqxa uu u cuskaday
sababaynta Dib u dhigista Shirweynaha Qodd ob 28 Dastuurka Xisbiga
oo dhigaya sidan:-
“Haddii duruufo adag oo Xisbiga ama Dalka la soo gudboonaada dartood,
ay muuqato inaan shirweynihii caadiga ahaa ee xisbigu qabsoomi Karin
xiligii u qorshaysnaa Golaha dhexe ee xi sbiga ayaa shirkiisa
caadiga ah ama caadiga ahayn ee ugu xiga taariikhda shirweynuhu qors
haysnaa ku qiimaynaya duruufaha lagaga gudbi karo, isla markaana
go’aan ka qaadanay mu dada shirweynaha lagu qaban karo.” Ayuu ku
yidhi qoraalkiisa.
Talaabadan ayaa shirweynihii Xisbiga Kulmiye galinaysa Mugdi badan
isla markaana aan la g aranayn waxa ka dhalan doona, maadaama awooda
Dibu dhigista uu iska leeyahay Golaha D hexe ee Xisbiga Kulmiye,
kuwaasoo aan la malayn karay wakhtiga danbe ee ay ka dhigi doon aan
maadaama aanay Xukuumaddii talada haysay ee Xisbigu haleelayn ilaa
dabayaaqada sa nadkan.
Source:Waaheen
|