Madaxweyne Siilaanyo Oo Socod Lug Ah Ku Dhexmarey Suuqy ada Magaalada Hargeysa soon Indho Indheeyey Dyactirka wadooyinkii iyo Qalabka lagu dhisayo wadada ceergaabo

 



madaxweynuhu waxa uu Sanduuqa horumarinta dhaliyarada Somaliland, ugu deeqay kuna Riday 100,000 oo Dollar.........+ Halkan ka daawo sawiradan


Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu maanta hawlo shaqo ugu bax ay meelo ka mid ah caasimada Hargeysa isaga oo lug kuna soo maray Wadooyinka Caasimada ee Dhismaha dib u habayntu ka socdo kuwaas oo beryahanba ay ku hawlanaayeen Dawlada Hoose Caasimadu, oo wada qurxinta iyo bilicda wadooyinka caasimada Somaliland, sidoo kale waxa uu ma daxweynuhu xadhiga ka jaray Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, sidoo kalena waxa uu mad axweynuhu xadhiga ka jaray Sanduuqa horumarinta dhaliyarada Somaliland, isaga oo madaxweyn uhu sanduuqaasi ugu deeqay kuna Riday 100,000 oo Dollar.

Madaxweynaha oo Oofinaaya balanqaadyadii dhalinyarada kuna hawlan horumarinta iyo dhiiri geli nta da’a-yarta Somaliland ayaa waxa uu ugu deeqay dhulkii laga dhisi lahaa Dhisme Xafiisyo u no qon-doona Dalada Dhalinyarada Somaliland ee loo yaqaan SONYO taasi oo madaxweynuhu u ast eeyay in laga dhiso Rugtii hore ee wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaruhu ay ku jiri-jirtay oo Mad axweynuhu uu isla maantaba dhagax-dhigay, dhalinyarada Sonyo inay ka hirgeliso dhisme ay ugu shaqeeyaan da’a yarta Somaliland.

Sidoo kale madaxweynaha oo ku guda jira hawlihii shaqo ee uu ku soo kormeerayey adeegyada xu kuumadu ugu talo gashay inay ku horumariso wadanka ayaa waxa uu booqasho ku tegay Xarunta Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta oo uu ku boqday Qalabkii shalay soo gaadhay Caasim ada ee loogu talo galay Wadada Ceerigaabo ee madaxweynuhu hore u balan qaaday una dhagax dhigay.

Madaxweynaha ayaa ujeedada kormeerkiisani ay tahay mid uu ugu kuurgelaayo xaaladaha xoru marineed ee dalku ku sugan yahay iyo halka ay wax marayaan oo uu madaxweynuhu sidii hore u caadada ahayd uu dhawrkii biloodba mar

si kedisa ku boqdo meelaha uu u doortay inay u baahan tahay dardar gelin iyo dhiiri-gelinta hawl aha qaranka waxaanu madaxweynuhu u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay keenida iyo hirgelinta hamigisii ahaa in wadada ceerigaabo uu noqoto mid ka hana qaada Somaliland oo aan loo kala hadhin Shicib iyo dawladba


Cabdiraxman Xaaji
Timacade News Desk
Obsiye2007@hotmail.com
Hargeysa,Somaliland