Madaxweyne
Siilaanyo oo soo Bandhigay Sababta Beesha Caalamku Indhaha Uga
Qabsatay Qadiyadda Somaliland
Madaxweynaha Somaliland waxa uu walaac ka muujiyey hannaanka
aayo-ka-tashi ee ummadaha adduunka, waxaannu soo jeediyey tallooyin
lagaga bixi karo caqabadahaasi
“Lacagaha horumarineed ee Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub waxay ku
shubaan god mad ow oo Soomaaliya ah, laakiin dadka reer Somaliland
oo u tiro badan..”
Nuxurka qoraal madaxweyne Siilaanyo kula garnaqdasay beesha caalamka
Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horraysay soo bandhigay
sababta beesha caalamku indhaha uga qabsatay qadiyadda aqoonsiga
Somaliland iyo guulaha dimuqraadiyadeed ee ay ku tallaabsatay.
Qoraal ku qoran luuqada Ingiriisiga oo Madaxweyne Siilaanyo beesha
caalamka kula garnaqsanayo qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland oo
xalay lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha internet-ka caalamka,
waxa uu ku dooday in sababta beesha caalamku indhaha uga qabsaday
guulaha dimuqraadiyadeed iyo aqoonsiga Somaliland la xidhiidho
fikrado gaboobay oo lagaga hortagayey in dalalka Afrika kala
googo’aan.
“Sababta beesha caalamku iskaga indho-tirtay qaddiyaddayada iyo
tijaabooyinka dimuqraadiyadda aannu ku guulaysanay waxay la
xidhiidhaa go’aan gaboobay oo budoobay oo nus-qarni ka hor uu
gaadhay ururkii hore ee Midowga Afrika (OAU) ee hadda ah Midowga
Afrika (AU) oo dib ugu noqonayey xuduudihii gumaysigu kaga tagay
qaaradda Afrika, kuwaas oo ka cabsiqabay iska horimaadyo qabiil iyo
dagaallo sokeeye oo aan la tirinkarin, iyadoo xilligaa OAU-dii
xukuntay in xuduudihii ay dhigeen reer Galbeedku sidooda loo
tixgeliyo,” ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalkiisa oo ahaa mid dheer
oo Jamhuuriya akhritayaashiisa u soo koobay.
Haseyeeshee, Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in fikradaasi
dhicisowday kadib markii Erateriya ka go’day Itoobiya, isla markaana
Koonfurta Suudaan ka madaxbannaanaatay dalka Suudaan, sidaa
daraadeedna aanay jirin sabab hadda loo hortaagnaado madaxbannaanida
Somaliland oo si iskeed ah sannadkii 1960-kii ugu biirtay
Soomaaliyadii uu guamaysan jiray Talyanigu, iyadoo halgan qadhaadh
kadibna sannadkii 1991-kii dib ula soo noqotay madaxbaanideeda oo
muddadii 20-ka sanno ka dambeeyey ku tallaabsatay horumar aan cidi
ka taageerin.
Md. Siilaanyo waxa uu ku eedeeyey Midowga Afrika inay qashin-qubka
raaciyeen warbixin ay Somaliland ka diyaariyeen guddi xaqiiqo-raadis
ah oo ka socday Midowga Afrika oo sannadkii 2005 yimi Hargeysa,
isagoo xusay in weftigaas oo uu hoggaaminayey
Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Miwowga Afrika Patrick Mazimhaka ay
caddeeyeen in midowgii 1960-kii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya
aan marnaba la ansixin oo aannu dhaqangal ahayn. Haseyeeshee, markii
warbixintaasi guddigu hordhigeen Midowga Afrika la iska indho-tiray,
lana raaciyey xashiishka.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu walaac ka muujiyey hannaanka
aayo-ka-tashi ee ummadaha adduunka, waxaannu soo jeediyey tallooyin
lagaga bixi karo caqabadahaasi.
Isagoo arrintaa qoraalkiisa kaga hadlayana waxa uu yidhi, “Goorma
ayey dad awoodi doonaan inay ku dhawaaqaan madaxbannaanidooda oo ay
heli doonaan aqoonsi caalami ah? Waxa arrintan badka soo dhigay
Falastiin oo Qaramada Midoobay u gudbiyey codsigooda la xidhiidha
inay dalka madaxbannaan noqdaan, shuruucda caalamiga ahina halkan ma
taageerayaan, run ahaantii maxkamadda adduunku waxa qudha oo ay
bixisay tilmaamid xadidan.
Mabaadida aasaasiga ah ee aan aaminsanahay in laga gudbo ee
Somaliland-na la kulantay waxa weeye sidan;
1. Goosashada waa in aanay ka dhalan farogelin dibadeed, waa in
caqabadha aqoonsiga goosashadu noqdo mid sarreeya
2. Madaxbannaanida waa in la aqoonsadaa oo keliya haddii aqlabiyadda
(51% codeeyayaashu) si xor ah u doortaan afti xalaal ah oo laga
qaado
3. Dhammaan dadka laga tirada badan yahay waa in si xushmad ah loola
dhaqmo.”
Ugu dambayn Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in beesha caalamku
si aan xaq ahayn u kala taageerto Somaliland iyo Soomaaliya,
“Lacagaha horumarineed ee Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub tusaale
ahaan waxay ku shubaan god madow oo Soomaaliya ah, sababtuna waa
aqoonsiga dawladnimo, laakiin dadka reer Somaliland oo u tiro badan
sida kuwa Soomaaliya waxyar baa loo soo beddelaa iyaga oo qaada
faro-guudkood ka hela lacagaha lagu khasaarinayo Soomaaliya,” ayuu
yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Source:Jamhuuriya
|