Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsiyadeeyay qoyskii Marxuum Good Abees oo
geeriyooday
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,
Asxaabtii, iyo Shacbiga reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya
geerida naxdinta leh ee ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum
MAXAMED XUSEEN NAALEEYE (GOOD ABEES) oo maanta ku geeriyooday Shil
baabuur oo ka dh acay tuulada lafa-ruug ee u dhacaysa Berbera iyo
Hargeysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)
wa xa uu marxuumka ku tilmaamay oday Qaran oo ka baxay bulshada
Somaliland gaar ahaana go bolka togdheer oo uu ka mid ahaa tiirarka
gobolka togdheer, tusaale fiicana u ahaa dhalinta iyo waxgaradka
gobolka togdheer iyo guud ahaan dalka.
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno
ka waraabiyo, Qoy skii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan
Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|