Madaxweyne Siilaanyo Oo Tafaasiil Ka Bixiyay Mawqifka Somaliland Ee Shirka Brussels





“Shirka Brussels, kama duwana kuwii aanu diidnay sidaas darteed, kama qeyb galayno”

“Waxaan ku kalsoon nahay in ay derajadu soo kordhin doonto kala-danbaynta haybadda ciidanimo, kor-u-qaadi-doonto muuqaalka dawladnimo”

“Waxaanan ku faraxsan nahay in la helay dad ajiiba baaqii iyo gogoshii nabadda ee aan mudada dheer ku celcelinayay”

Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaan yo) ayaa shaaca ka qaaday inaanay Somaliland ka qeyb geli doonin shirka dhawaan lagu wado in lagu qabto Magaaladda Brussels ee dalka Biljam, waxaanu tilmaamay inaanu waxb a ka duwanayn shirarkii hore ee ay diideen oo uu dhaawacayo jiritaanka qaranimadda dalka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo dhaweeyay inay jiraan dad soo ajiibay baaqii nabade ed iyo gogoshii uu u fidiyay waxgaradka goboladda barri qaarkood.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa sheegay in bixinta darajooyin ka ciidammadda ee loo qeybiyay ciidammadda qalabka sida ee Somaliland ay wax weyn ka tarayaan kala dambaynta iyo haybadda ciidammadda. Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay war-murtiyeed uu caawa soo saaray oo uu munaasibadda ciidul fidriga dadweyn aha u mariyay saxaafadda, waxaanu shacbiga JSL gudo iyo dibadba u diray dhambaal hambalyo ah.

War murtiyeedkaas oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleeba an Dhuxul waxa uu u qornaa isagoo dhamaystiran sidan:-

“CIID MUBAARIK, CIIDAL CAAFIYA, KULU CAAM WA ANTUM- BIKHAYR.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa Dhammaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima-awdiinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo Dhammaan Muslimiintu meel ay joogaanba, wuxuu u soo-jeedinayaa hambalyada Ciid-alfidriga awgeed, waxaanu madaxweynuhu yidhi “Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kulicaam wa antum bikhayr. Waxaan illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda innagu gaadh siiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Hambalyada ciida dabadeed, waxaan halkan bogaadin uga soo jeedinayaa ciidamada kala duwan ee qaranka oo aan u rajaynayo in dhammaan derajadii iyo gunnooyinka dalacaaduhu kuwada gaadheen ciidan kasta fadhiisinkiisa, Askari kasta waxaa saaran waajibaad, waxaana uu qaranka ku leeyahay xuquuq, derajaduna waxay ka mid tahay xuquuqda ciidamadu ku leeyihiin dawlada.

Waxaan ku kalsoon nahay in ay derajadu soo kordhin doonto kala-danbaynta milgaha iyo haybadda ciidanimo, kor-u-qaadi-doonto muuqaalka iyo karaamada dawladnimo. Munaasabada ciida darteed, waxaan ciidamada caruurtooda iyo xaasaskooda leeyahay Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.

Waxaan jecelahay in aan halkan ka cadeeyo mawqifka dawladda ee ku aadan shirka dunidu noogu baaqday ee Brussels, maadaama ay EU-da iyo Somalia wada marti-gelinayaan (Co-hosting), waxaanu u aragnaa mid dhaawacaya jiritaanka iyo qaranimada Dalkan JSL, kaas oo aan waxba kaga duwanayn shirarkii hore ee aanu diidnay, sidaa darteed kama soo-qayb-gelayno shirkaas.

Gebegebadii, waxaan bulshada Somaliland u dardaarmayaa in ay nabadgelyada illaaliyaan, in ay isku-duubnaadaan, in ay illaaliyaan shuruucda dalka.

Walaalayaal, aan ka digtoonaano dhagaraha cadawga oo aan meel uga soo wada jeedsano cid kasta oo dalkani hagardaamo u soo maleegaysa, qofkasta oo tallo, toosin iyo taageero doonaya waxaanu jecel-nahay in uu noo soo gudbiyo, gacmo furan ayaanu ku soo dhawaynaynaa, laakiinse waa in aanu doc-faruurin nidaamka dawladnimo iyo shuruucda dalka, qofkii doonaya in uu wax dhaliilo, canaanto ama siyaasad u tartamo waxaynu u samaysanay nidaamka Xisbiyada badan, dalkuna waa dal dimuquraadi ah, waxaynu wax ku nahay dawladnimada, qofkastana xil baa ka saaran illaalinta qaranimada.

Anigana Madaxweyne ahaan, waxaa xil iyo waajib iga saaran-yahay dalka iyo dadkiisa in aan ku illaaliyo xayndaabka sharci, cidna ka yeeli-maayo inay iska gudub marto.

Waxaan ILAAHAY ugu mahad-naqayaa nabadgelyadda aynu haysano, waxaanan ku faraxsan nahay in la helay dad ajiiba baaqii iyo gogoshii nabada ee aan mudada dheer ku celcelinayay, oo ay garwaaqsadeen in wada-hadalku ka wanaagsan yahay xabadda iyo dagaalka.

Waxaan aaminsan nahay in aan xabadi xalkeenin, walaalayaal dhulku guuri maayo, go’ina maayo, dadka geyigan ku dhaqanina waa dad walaalo ah oo aan marnaba kala maarmayn, Dalka Somaliland waa qani haddii laga shaqaysto, waana innagu filan-yahay, wixii laysku maan-dhaafana wada-hadal iyo isu-tanaasul ayaa inoo dhaqan ahaa oo aynu ku soo caano-maalnay. Walaalayaal ku soo dhawaada nidaamka wada-hadalka iyo qalinka horumarka.

CADDAALADDA.

Walaalayaal caddaaladdu waa aasaaska iyo jiritaanka dawladnimo, waxa ay abuurtaa kalsooni, waana astaanta maamul-wanaagga.

Walaalayaal, Dastuurku waxa uu qeexay madax-baanida Garsoorka, aniga oo arrintaas ka shidaal qaadanaya, isla markaana fulinaya balan-qaadkaygii xilligii doorashadda waxaan isbedel ku sameeyey Garsoorka iyo Caddaaladda sida; Maxkamadda sare, Guddiga Caddaaladda iyo Xeer-ilaalinta Guud, waxa aan alkumay Xafiiska Garyaqaanka Guud, si xeerarka loogu sameeyo faafinta rasmiga ah, loona gaar-yeelo kiisaska dawladdu darafka ka tahay ee madaniga ah.

Walaalayaal, si loo xakameeyo xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda bini’aadamka waxaan samaynay Hay’adda Xuquuqal iinsaanka.

Walaalataal sidaas oo ay tahay xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay ka daali mayso, kana caajiso mayso dedaalka lagu xaqiijinayo in muwaadiniintu caddaalad dareemaan.

Waxaan dhamaan bulshada reer Somaliland ku bogaadinayaa kaalinta ay ka qaataan nabadgelyada illaalinteeda, waxaan leeyahay is dhawrta, is kaashada oo isku-duubnaada, qofkii xunna meel uga soo wada jeesta.

Anigoo farxada la wadaagaya dadkayga waxaan mar labaad halkan idiinka soo gudbinayaa Hambalyo, bogaadin iyo duco-ba,
Inta bukhta een caafimaadku u saamixin inay innala ciidaana waxa aan alle uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, intii inaga baxdayna Alle u naxariisto.

Ugu danabyn waxa aan leeyahay Ciid mubaarik, Ciidal-caafiya Kuli-caam wa antum Dayibiin. Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.”
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland