Madaxweyne Siilaanyo Oo U Kicitimay Dalka Ingiriiska, Kana Hadlay Ujeedada Safarkiisa


 

 


Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ku sii sagootiyay madaarka Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrad a.................


Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta duhurkii u kicitimay dalka Ingiriiska oo uu socdaal shaqo ku tagay. Waxaanu ka dhoofay madaarka Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ku sii sagootiyay madaarka Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida iyo masuuliyiinta Hoggaanka xisbiga talladda haya ee KULMIYE.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu socdaal ku tagayo dalka Ingiriisk a isla markaana uu sii mari doono wadanka Kenya..Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inuu la kulmi doono mudada uu ku sugan yahay Ingiriikska Wasiirka Arrimaha dibadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladaasi.

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray inuu kala hadli doono masuuliyiinta Ingiriiska baaqii ay dha waan muwaadiniintooda ugu baaqeen inay ka soo baxaan Somaliland sababo la xidhiidha cabsi Nab ad-gelyo darro.

Madaxweynuhu waxa intii aanu dhoofin madaarka salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciid anka qaranka.MadaxweyneSiilaanyo waxa weftigan ku wehelinaya Wasiirrada Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire Iyo Marwadda koowa ad ee Somaliland.

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland