WAR-SAXAAFADEED




“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaan yo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay N0: 0264/092012, ku dhaqan geliyey Wareegtadan.
Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay: Qodobka 12 aad , faqradiisa 2 aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu arkay: Qodobka 14aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista
Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda

Xeer Lr. 14/2011

Markuu arkay: Qodobka 12 aad , faqradiisa 5 aad ee Xeerka Doorashooyinka

Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001
Markuu arkay; Qodobka 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha
Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2001
M
arkuu Tixgeliyey: Habsami-u-socodka Doorashooyinka, Hannaanka
Dimuqraadiyadda iyo dhex-dhexaadnimada.
Wuxuu soo Saaray
W
areegtadan Maamul oo ka reebaysa;
Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, Ururada aan Dawliga ahayn,

Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka;

1) In ay ka mid noqdaan ama ku lug yeeshaan arrimaha Axsaabta/Ururada Siyaasadda, isla markaana u ololeeyaan, taageeraan ama ka soo horjeestaan Xisbi/Urur Siyaasadeed.

2) In dhammaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda.

3) In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah.”

 

 



Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland
Axmed Saleebaan Dhuxul