Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Waddo Laga Hir-galiyey Xaafadda Daami
 

 


Munaasibadan uu madaxwenuhu xadhiga kaga jarayey wadada cusub ee laga hirgaliyey xaafada Daami ayaa waxa ku wehelinayey............


Hargeysa (TNN) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo) ayaa Xadhiga ka Jarey Wado laami ah oo ay Dowlada Hoose Ka Hir Galisay Xaafada Daami ee Degmada Gac an libaax.

Munaasibadan uu madaxwenuhu xadhiga kaga jarayey wadada cusub ee laga hirgaliyey xaafada Daami ayaa waxa ku wehelinayey Maayarka cusub ee Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid, Maayarkii hore ee aan wali xilka wareejin Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayar ku xigeenkii hore Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Madaxweynaha oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadan ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu wadadan xadhiga ka jaro.
Dadweynaha xaafada Daami ayaa caleemo qoyan ku soo dhaweeyey madaxweynaha, iyada oo wadada hareeraheeda ka muuqdeen ardey soo dhaweynta madaxweynaha u taagan.

Wadadan ayaa noqonaysa wadooyinka ay masuuliyiinta dawladda hoose ee wakhtigu ka dhamaaday ku sagootinayaan wax qabadkooda.
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa waxa uu markii dambe dhagax dhigay saldhig cusub oo laga dhisi doono xaafadaasi.

Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay in uu u ambo baxay maqas u qaadashada xadhig ka jarista wadooyinka xili uu Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdlaahi Ismaaciil Saylici ku maqan yahay xalinta khilaafaad daba dheeraaday oo ka jira degmada Saylac.

 

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland