Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Badhas a abadda Goboladda Somaliland iyo nuxurka waxyaabihii ay ka wada hadleen

 

 



Kulankan oo noqonaya kii labaad ee tan iyo markii uu xafiiska kala wareegay Madaxweynihii hore uu la yeesho


Hargeysa (TNN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula yeeshay Badhasaabadda 13-ka Gobol ee Somal iland.

Kulankan oo noqonaya kii labaad ee tan iyo markii uu xafiiska kala wareegay Madaxweynihii hore uu la yeesho badhasaabadda madaxweynaha iyo madaxda Goboladu kaga wada hadle en sidii loo xoojin lahaa horumarinta goboladda ay masuulka ka yihiin.

Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay Qasriga Madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.



Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuu riyaddaSomaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maantaxafiisk iisa ku qaabilay Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka oo Dhan,kulan oo ay ujeedadiisu tahay is xog-warsi iyo dar-dar gelinta Hawsha Qaran ee ay u xilsaaran yihiin .

Waxa madaxweynaha kulankan kuwehelinaayey wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyada JSL, Mudane, Ca bdicasiisMuxumed Samaale.

Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalku waxaay ka warbixiyeen xaaladaha nabad-gelyada, Maamu lka, iyo Kuwa ijtimaaciga ah eeGobolada ay madaxda ka yihiin.

Warbixintaa dheer ka dib waxa uumadaxweynuhu badhasaabada dalka iyo wasaaradda Daak hligaba ku amaanay Doorka ay ku leeyihiin hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xil-gudashadoo daba, Madaxweynuhu waxa uu madaxdaas ku adkeeyey inay sii laban-laabaan adkaynta nab ad-gelyada iyo feejignaanta ay kaga hortegayaan cid kasta oo wax u dhimi karta qaranka JSL, ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaasi.

 


Timacade News desk
Hargeysa ,Somaliland