Madaxweyne
Siiraanyo Oo Dhambaal Tacsi ah u diray Eheladii,Bahda Tacliinta,
Udub iyo Shabaka S/L Geerida Ku Timid Muj Talaabo
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu
tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraaba dii, Asxa abtii, Bahda Waxbarashada,
Xisbiga UDUB iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiy
daynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid Xog-hayihii Xisbiga
Kulmiye MARXUUM, YUUSUF CIISE DUCAALE (TA LAABO) oo ku geeriyooday
Waddanka Nairobi Maanta 23-07-2011.
Marxuumka oo ahaa Masuul Xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii
hore ee JSL, kana mid ahaa ururkii Dhaqdhaqaa qa Xornimada ee SNM,
qayb libaaxna ka qaatay Dib u dhiska nabadaynta ama hubka dhigista
ee Maleeshiyo beleedkii ma rkii danbe noqday xooga Ciidamada JSL,
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu
naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qara abadii,
Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna
Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|