WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015 ku dhaqan geliy ey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014

Madaxweynuhu:-



Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;



Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;



Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014 ee

ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida

(Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.
 

 


ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Duhuxul)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL.