Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirka Maaliyadda oo si Adag uga Hadlay Laaluushka iyo Lunsiga Hantida Dawladda

 

 



“Madaxdeenna qaranka dhammaantood ka u sarreeya ilaa ka u hooseeya waxa looga baahan yahay in hantida qaranka lagu soo xereeyo qasnadda dawladda”

“Haddaad hal milyan oo laaluush ah aad bishii isticmaasho oo sifo khaldan kugu soo gala…”

Cabdiraxmaan Saylici

“Bani’aadam baynu nahay oo qofku markuu xil hayo ee uu lacagta qabanayo, lacagtaasi mararka qaarkood bay ku leexanaysaa”
 Wasiir Samaale

Hargeysa (TNN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabd illaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa si dag uga hadlay istcimaalka laaluushka iyo musuqmaasuqa lagu lunsado hantida iyo dakhliga dawlad da.

Md. Saylici oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey shalay ciidan boolis ah oo tababar dhamm aystay, waxa uu sheegay in laaluushka iyo dakhliga dawladda ee sida dhibka yar la iskaga qaa to ay yihiin xaaraan aan ubadkaagaa u fiicanayn, halka Wasiirka Maaliyaduna tilmaamay inay ka go’an tahay in dakhliga la lunsan jiray uu ku dhaco qasnadda qaranka.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, waxa uu sheegay in aan xaaraan lagu raadsan, wixii xala al qofku ku heli karayo.

“Waxa la yidhi, ‘Wax aad xalaal ku helayso, xaaraan laguma doono. Madaxdeenna qaranka dha mmaantood ka u sarreeya ilaa ka u hooseeya waxa looga baahan yahay in hantida qaranka la gu soo xereeyo khasnadda dawladda, marka hantida la soo xereeyo nin walba daryeelka uu u baahan yahay wuu helayaa.

Waxa la yidhi, waxyaabaha la iska qaad-qaato ee sida dhibka yar kugu soo galaa si dhib yar b ay kaaga baxdaa, lacag xisaabtan lehna ma aha. Haddaad hal milyan oo laaluush ah aad bishii isticmaasho oo sifo khaldan kugu soo gala qiimo ay ku fadhidaa ma jirto, waana xaaraan oo ubadkaaga uma fiicna, haddiise aynu ku dedaalno in dakhliga iyo cashuurta dalka meel la isugu keeno waxa lagu qasban yahay in lacagtaas la soo ururiyey aanay noqon mid meel iska taal ee waxay dib u geli doontaa ciidammada qaranka iyo shaqaalaha dalka, bulshadana waxaan leeyahay cashuurta iska bixiya si qof walba u helo adeegyada bulshada oo caafimaad iyo waxbarasho ka mid yihiin,” ayuu yidhi Madxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna ka hadlay xaflad dugsiga tababarka Mandheera loogu sameeyey shalay askar cusub oo booliska Somaliland lagu kordhiyey, ayaa xusay in bilaysku door fiican ka qaadan karo ilaalinta dakhliga dalka, isagoo tilmaamay in lacagta cashuurta ah ku lumi jirtay gacanta shaqaalaha iyo masuuliyiinta dawladda, balse hadda caqabaddaas ka takhaluseen.

‘Waxaan leeyahay booliska dalkeennu wuxuu u baahan yahay in la wada dhiso. Inanka lacagta qaadaya ee cashuurta qabanayaa wuxuu u baahan yahay inanka dirayska gashan ee ilaalinaya. Bani’aadam baynu nahay oo qofku markuu xil hayo ee uu lacagta qabanayo, lacagtaasi mararka qaarkood bay ku leexanaysaa, markaa waxaynu u baahannahay in dakhliga dalka; waxa ilaalinaya inamada kastamada, waxayna waajib tahay in ciidanka boolisku la ilaaliyaan.

Waxaan qirayaa in labadii bilood ee u dambeeyey uu dakhli badan dalka u soo hoyday, sababteedana waxa leh Ilaahay (SWT), sababteeda labaadna waxa leh Wasaaradda Maaliyadda, sababteeda saddexaadna waxa leh ciidanka booliska oo wadashaqayn wayni naga dhexayso oo aan doonayo inay noqdaan gacanta midig ee Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyaddu hadday lafdhabar ka tahay ururinta dakhliga dalka, waxa naga go’aan ah in lacag badan oo lumi jirtay aanay lumin, lacagtaasoo ku lumi jirtay gacanta shaqaalaheenna iyo masuuliyiinteenna kala duwan.

Waxa naga go’aan ah in dakhligii dawladda ee la lunsan jiray uu Ilaahay dartii qasnadda dawladdu u galo, hawshaasna cidda koowaad ee aannu la kaashanaynaa marka Ilaahay (SWT) laga yimaad waa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ciidanka booliska, waxaanan doonayaa in wada-shaqayntaasi sii adkaato, waxaanan leeyahay shillinka xaaraanta ah ee calooshaada gala ubadkaaga, mustaqbalkaaga iyo dalkaagaba wax ayuu yeelayaa,” ayuu yidhi Wasiir Samaale.
 

Source:Jamhuuriya