Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Kaa hin Iyo Marwadiisa Huda Barkhad Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

 


Daahir Rayaale ayaa kula noola waddanka Faransiiska qoyskiisa oo halkaas degan.......


Hargeisa(TNN):-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mud: Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa Huda Barkhad ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Hargaysa.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa dalka ka maqnaa mudoo yinkii ugu danbeeyay isagoo ku sugnaa waddanka Faransiiska, diyaarada uu la socday M adaxweynihii hore ee Somaliland iyo Xaaskiisu waxay ka soo raaceen waddanka Jabuuti.

Mud: Daahir Rayaale ayaa kula noola waddanka Faransiiska qoyskiisa oo halkaas degan, wuxuuna dalka ka dhoofay kadib khilaafkii xooganaa ee Xisbiga UDUB sababta u noqday inuu saxadda siyaasadda ka-baxo, tan iyo mudadaas wixii ka danbeeyay kamuu soo muuq aan masraxa siyaasadda. Lama garanaayo wakhtiga uu dalka ku sugnaan doono iyo inuu rasmi ahaan u soo guryo noqday.

Safarkan ay ku wada yimaadeen Madaxwaynahii hore iyo Marwadiisa ayaan ahayn kii u gu horeeyey intii uu wareejiyey talada dalka Balse ma cada ilaa hada sababta soo laabas hadooda.

 



Timacade News Desk
Hargeisa ,Somaliland