”Madaxweynuhu wuxu Gabiley u iman waayahay Hudheel uu seexdo Ayuu Waayey Tijaartiina Lacagtii Bohol ayey ku Riteen,”Badhasaabka Gobolka Gabiley

 


”Reer Gabilayoow waxyaabaha ka mid ka ah ee uu madaxweynuhu Gobolka u iman waayey wa xaa ka mid ah Hotel la seexdo oo fiican ayuunu lahay, taasi waxay keentey ina dib loo dhigo oo loo haga ajiyo gurigii martida."ayuu yidhi badhasaabku.....

Gabiley (TNN):- Badhasaabka Gobolka Gabiley yuusuf braahin geedi oo maanta khudbada ujeediyey ardeyda sanadkan ka qalinjabineysa jaamacada Tima-ade ee gobolka gabiley, ayaa ku sababeeyey sababata uu madaxweynuhu u imanwaaayey inay ka mid tahay ina aaney lahay huteel uu madaxwe ynuhu seexdo, Ganacsatadii u dhalatey gobolka gabiley ay lacagtii ku shubteen Bohol.


Isaga oo arimahaasi ka hadlaya waxaanu yidhi”Reer gabilayoow waxyaabaha ka mid ka ah ee uu madaxweynuhu gobolka u imanwaayey waxaa ka mid ah hotel la seexdo oo fiican ayuunu lahay, Taasi waxay keentey ina dib loo dhigo oo loo hagaajiyo gurigii martida ee ay dawlada hoose dhisaysay, Waxaad Tijaartiina ku Tidhaahdaan inoo dhisa Huteelo Wanaagsan oo cuntada iyo seexdkaba leh, si qurbajooga iyo dadweynaha gobolad kale usoo dalxiistagaan, Lacagta aad Boholaha ku shubeen ka soo saar.”ayuu yidhi badhasaabku


Sidoo kale waxa uu badhasaabku sheegay inuu madaxweynuhu joogi doono gabiley mudo laba cisho ah, kormeerana uu ku sameyndoono degmooyinka gobolka gabiley, xadhigana ka jari doono maashaariic dawlada hoose ka hirgalisay gudaha magaalada gabiley.

 



C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland
Obsiye2007@hotmail.com