Madexweynyhu wuxu qaaday talaabo geesinimo leh waan an ku hambalyaynayaa dhiiranaanta iyo wadaniyada uu muujiyay

 

Marka hore waxan salaamayaa dhamaan saxaafada madaxa madaxa banaan ee somaliland iyo hawlwadeenadoodaba sidoo kale waxan hambalyo udirayaa dhamaanba dadweynaha  r eer somaliland meel kastoo ay joogaanba anigoo kuhambalyaynaya guusha balaadhan ee  u soo hoyatay umada reer somaliland iyo doorashooyinka xalaasha ah ee kadhacay  wadank eenii hooyo


Runtii waxay ahayd maalin aad igu layaab badnayd shalay galabnimadi kadib markaan ka  ar kay websiteyada somaliland war aad looga xumaado oo kasoo baxay xisbiga talada haya ee udub oo carqalad iyo dhaawacba ugaysan lahaa qaranimada somaliland haddii uu noqon  lah aa mid sii taagan, balse markaan arkay cidda hadaladani kasoo yeedheen inay yihiin  Xogah ayaha guud ee udub Jugsoodhacay iyo cismaan hindi waxan iswaydiiyay su aal ah Tolow  ma daxweyne rayaale malaqabaa fikirkan maxayse uga danleeyihiin hadalka noocan ah  miyaan ay muwaadiniin nimanku ahayn,

waxa markiiba iisoo baxday jawaab ah inay yihiin niman kuguuldaraystay inay cod usoo  hoo yaan xisbigay hormoodka ka ahaayeen kuna fashilmay gaar ahaan degaanadii ay kasoo  jee deen inay wax guul ah kasoo hooyaan oo ay xisbiyada mucaaradku kaga xoog bateen sida Gobolada Gabiley Iyo oodweyne isla markaana ay hadalkan rabaan inay kuraali galiyaan  mus haraxoodii oo ay yidhaahdeen waa lagu shubtay, oo waliba somalida waxay tidhaahdaa been sheeg oo mid run u eg sheege waxa guud ahaanba shacaka reer somaliland kasii yaabisay goobaha iyo degemooyinka ay tiriyeen ey yidhaahdeen musuqmaasuq ayaa kadhacay oo  w ada ah meelaha sida weyn Kulmiye looga taageero,

Haddaba waxa xusid gaar ah mudan oo aan runtii aad ula dhacay talaabada geesinimada leh ee uu qaaday madaxweyne rayaale iyo sida uu uga damqaday raga magaciisa iyo  maamuus kaba inay baabiiyaan doonayay waana wax aad loogu farxo dhawaaqa kasoo yeedhay mada xweyneheena somaliland waanan kuhambalyaynaynaa,

Mudane madaxweyne waxad qaaday talaabo aad u wanaagsan waana mid ay umadda aad madaxweynaha u ahayd kaafilaysa taariikhduna way qori doontaa hadba wixii aad  kusagoot ido kursiga dalka ugu mudan ee mudada dheer aad soo haysay waxaanan rajaynaynaa inaad natiijada kadib aad xilka si xarago leh uga dagi doonto uguna wareejin doonta musharaxa kuguulaystay talada dalka

sidaad adiguba ballan qaaday taasi oo kaadhigi doonta hogaamiye taariikhiya oo wadankiisa samcad iyo karaamo kudhex jooga bulshadiisuna aad uqadariso

Madaxweynaha cusub ee lasaadilanayana waxaan leeyahay waa in loo sameeyaa madaxwey naha talada wadanka kadagaya maamuus qaran lana ixtiraamaa oo laga dhigaa oday talada wadanka wax laga weydiiyo looguna magac daraa Airportyada wadanka qaar kamida iyo jaamacadahaba


dadweynaha reer somalilandna waxaan leeyahay Madexweyne rayaale waa in loo  aqoonsad aa Aabaha dimuqraadiyada somaliland

ugu dambayn waxan usoo jeedinayaaa dhamaan dadweynaha reer somaliland meelkastoo  a y joogaanba inay iska ogaadaan cadawgooda gudaha ee doonaya in qaranimada iyo  nabadg alyada ay umaddu haysato la burburiyo kuwaas oo ay kala weyntahay qaranimada inay man sab helaan sida Cismaan hindi iyo Jaamac jug soo dhacay oo kale


wabillaahi tawfiiq

 


 

Axmed Aw cabdilaahi khaliif