Magaalada Den Haag ee Dalka Holland,ayaa lagu qabtay xaf lad si weyn loo soo agaasimay,laguna xusayey 18 May,oo ah maalinta Qaranimada Somaliland

 

 

 


Xafladaasi waxay ahayd xafladii ugu qurUx badneyd ee abid lagu qabto .......


Den Haag (TNN) :-Xaflad ay soo abaabuleen Ururka Nomad oo runtii ahayd xaflad si mud leh loo soo agaasimey, ayaa waxaa ka soo qayb geley dadweyne aad u tiro badan oo ilaa xad buux dhaafiyey Hoolkii loogu talo galey.


Xafladaasi waxay ahayd xafladii ugu qurx-badneyd ee abid lagu qabto wadanka Holland, wa xaa ka soo qayb geley, Marti-sharaf uu ka mid ahaa Wakiilka Somaliland u fadhiya Wadank belguim, Mudane Muxmuud Cabdi Dacar iyo Marwadiisa Safiya Warsame saciid, Gudoomiyaha
Jaaliyada Belguim ,Mudane Adan iyo dadweyne ay hogaaminayeen.


Waxaa kale oo ka soo qayb galey marti-sharaf kale oo ka socodtay Wadanka Jermalka iyo Ingiriiska.Waxaa lagu soo ban-dhigay Gabayo, Geeraaro iyo Ciyaar kala dawan oo ah hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.Waxa wacdaro ka muujiyey Fanaaniita Mukhtaar Oday iyo Cabdi qaboojiye.

 

 


Timacade News Desk
Den Haag,Holland