Magaalada Kassel oo Si Heer Sarre ah loogu Xusay 18-ka May iyo Fanaanda Canab Marwo uu Ruxday Masrixii loogu Dabaal Degayay Qaranimada Somaliland

 


Kassel (TNN):- Munaasabad balaadhan oo si Heersare ah loo soo abaabulay ayaa Xalay Lagu Xusay Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka may halkaasi oo ay ka Soo Qayb galeen Masuuliyiin Reer Somaliland ah, Gudoomiye ku Xigeenka Jaalliyada Guud ee Jarmalka, Gudoomiyaha Jaalliyada ee Gobolka Hassen, Abwaano, Fanaaniin Caan ka ah Gayiga Somaliland, iyo Mujaahidiin Goob joog ka ahaa Halgankii lagu Xoreeyay Somaliland.

Furitaankii Munaasabada oo uu Hadal Kooban Ka jeediyay Khaalid C/naasir oo ka mid ahaa Gudida Qaban qaabada Xaflada ayaa soo dhaweeyay Dadwaynihii ka soo qayb galay isla markaana uga mahad celiyay qiimaynta ay uhayaan Dalkooda hooyo, Waxaanu ku Xusay in ay ka Guddi ahaan isku Xilqaameen Xuska maalinta Qaranka oo Muwaadin waliba Dareemi karo Qiimaha maalintaasi ku leedahay Somaliland.

Gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland ee Gobolka Hassen Mudane Jaamac Xandulle ahna Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee dalka Jarmalka ayaa isagu halkaasi ka hadlay isaga oo ku dheeraaday midnimada umadda Somaliland in ay Muqadastahay isla markaana Shacabka looga Baahanyahay in Maalintan oo kale loo midoobo sidii loo Waynayn lahaa 18 may.

Jaamac Xandule isaga oo ku hadlaya Afka jaalliyada Guud ayaa waxa uu shaaciyay in ay 13 bisha September 2015 ay Kassel dhici doonta Doorashadii Guud ee Jaalliyada Somaliland ee Germanay taasi oo uu Shacabka ku Booriyay inay kasoo qayb galaan, waxaanu Xusay inta ka horaysa Doorashada in aanay Cid Gaar ahi ku Hadli Karin Afka Jaalliyada marka laga Reebo Xubnihii Hore ee sida Xaqa ah loo Doortay illaa inta la soo dooranayo Hogaan Cusub oo Matali doonta Jaalliyadaha Somaliland ee Jarmalka.

Pro. Ismaaciil Cabdi C/laahi oo ka mid ah Aqoonayahanadda Reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka jarmalka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu dardaaran usoo jeediyay Dhalinyarada reer Somaliland ee ku dhaqan Jarmalka iyo Qiimaha ay aqoontu leedahay, waxaa uu ku dheeraaday in Dhalinayrada Aqoon kula noqdaan dalkii, sidoo kale waxa Si faahfaasan ushaxaray Halgankii dheeraa ee loo soo galay Qaranimada Somaliland oo kumanaan mujaahid ushahiideen, waxaanu kula dardaraamay inay isku duubnaadaan oo ay qaranimada Somaliland meel uga soo wada jeedsadaan.



Gudoomiye Ku Xigeenka Jaalliyada Guud ee Dalka Jarmalka C/rashiid Xasan Ducaale oo isaguna halkaasi Hadal kooban ka jeediyay ayaa Amaan usoo jeediyay jaalliyada reer Somaliland ku dhaqan magaalada Kassel kuwaasi oo ku tilmaamay inay Xilwayn ka Furteen Jaalliyada Guud isla markaana yihiin Dad ku fiican Soo dhawaynta iyo Qadiyada Qaranimada Somaliland.

Gudoomiye C/rashiid ayaa Faahfaahin ka Bixiyay Hiigsiga Shacabka Reer Somaliland iyo Hanaankii loo soo maray halgankii dhidibada loogu Taagay Qarankan Curdinka ah ee Somaliland taasi oo uu sheegay in ay maanta Meel Fiican marayo, isku duubnina looga Baahanyahay Shacabka.

Munaasabada oo ahayd mid aad uqurux badan oo si heersare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa iyna Masraxa Ruxay oo la Dabaal Degay Shacabka Reer Somaliland ee Dalka jarmalka Fanaanada Wayn ee Reer Somaliland Canab ismaaciil Cabdi (Canab Marwo) iyo Fanaaniin kale oo ay ka mid ahaayeen Fanaanka way nee Mukhtaar Oday, Siciid Hargeysaawi, Cali Xaashi, Saado Sagal, Hibo Shirwac iyo Cali Kassel, waxaanay halkaasi ku soo Bandhigeen Heeso Muujinaya Qadiyada Somaliland iyo kuwo kaleba.
 

 



Mustafe Future
Kassel/Germany