|
Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa Qormadii 28 aad ee Boobe by Boobe Y.Ducaale
TV-gii naas-nuujinayay ee habayay Radio Hargeisa waxaa laga door-biday
in lagu gunee yo dad aan qarankan meerisna u soo tolin.
Qormadii: 28 aad
Malaha arrintani mid sahlan ayay idin la tahay. Waa mid ka mid ah
ceelashii Gobolka Geb ilay laga qodayay. Haddii wasiir la magacaabay,
aniga amar danbe la ima siin af iyo qora al midna oo la iguma odhan
xilka Wasiirka cusub ku wareeji. Run ahaantii waxaan u qaat ay in ay
Madaxtooyadu ku talo-gashay in aanu mar kale aniga iyo Wasiirka
cusubi isku qabsanno xilka wareeji iyo Cadami ayaa la igu yidhi ku
wareeji.
Waxa intaas oo dhanba ka sii darneyd cid aanu wax weydiinna ma ay
joogin dalkaba oo Madaxweynihii inta uu go’aammadan aan is-qabanayn
soo saaray ayuu iska dhoofay. Waxaan la hadlay Wasiirkii
Gaashaan-dhigga ee la igu yidhi xilka ku wareeji, waxaanu ii sheegay
in uu u ambo-baxayo Bariga Sanaag oo aanu Hargeysaba joogayn.
Intaasi markii ay dhacday waxaan go’aansaday oo aan Wasiirka cusub
ee Warfaafinta u sheegay in uu u soo diyaar-garoobo xafladda
xil-wareejinta oo ku beegnayd 4/82012ka. Wuxu ahaa dariiqa keliya ee
ii furnaa ama noo furnaa labadayadaba. Qasab ayay igu no qotay in aan
buriyo amarkii qornaa ee aan haystay ee Madaxweynuhu qoraalka igu
siiy ay. Maxaa kale ee aan samayn lahaa! Wasiirkii la ii soo qoray
“Inta aan ka soo magacab ayo” maalin ka dib ayaa la iga daba keenay
iyada oo aan wax ogeysiis ah la I siinnin. Amar danbe oo qoran la
ima siin oo la I leeyahay Wasiirka cusub xilka ku wareeji, bal se
kii hore ayaa sidiisii lagu daayay.
Wasiirkii la igu yidhi ku wareejina bari guntii iyo Sanaag Bari ayaa
loo diray. Wasiirka in aan ku wareejiyo qoraal la iguma siin. Kaaga
daranta Madaxweynihii wax la weydiin laha ana bax. Sidaa darteed
ayaan go’aan ku gaadhay in aan wasiirka cusub xilkii ku wareeji yo si
aanay meesha ugu dhicin malahayga xiisad loo dan lahaa oo Gobolka
Gebilay mar kale lagu khalkhalinayay. Intiinna malawaalkan ka soo
hor jeedda ama aan liqi karaynini, bal haddaba idinku keena saharaxa
iyo fasiraadda sababaha ay waxyaabahan murugsan ee aan is-qabanaynini
ku dhacayaan.
3/8/2012ka:
Subaxnimadii hore ayaanu Wasiirka Gaashaan-dhigga isugu soo gallay
Shirkadaha maga alada mid ka mid ah. Wuxu ii sheegay in uu saacaddaa
u baxayay bari, run ahaantiina barxaddii baabburta ayaan ku arkay
gaadhigiisii oo diyaar u ahaa in uu baxo.
4/8/2012ka:
Mar kale ma aan raacin go’aankii Madaxweynuhu ii soo qoray markii uu
xilka iga qaaday ay ee uui farayay in aan xilka Wasaaradda
Warfaafinta ku wareejiyo Wasiirka cusub, bal se saaxiibkay Abiib
Diiriye Nuur wixii aan xil hayay oo dhan ayaan ku wareejiyay oo uu
ku jiro xataa TV-gii Qaranku.
Inta badan waan suntadaa khudbadahayga oo sida dadka qaarkii
xaalkaygu gole-ka-fuul ma aha. Khudbaddaydii xilka aan kula
wareegayay waa ay qornayd, khudabaddan aan xilka ku wareejinayayna
qudheedo waa ay qornayd oo labaduba war-baahinta si xoog leh ayay u
galeen. Haddii aan soo xigto, markii aan Wasiirka cusub xilka ku
wareejinayay waxaan ku idhi:
“Aniga oo hore af iyo qoraalba ku codsaday, waxaan madashan marti
uga ahay in la fuli yo digreetadii Wasaaradeed ee aan soo saaray
27/8/2012ka Qodobkii ka hadhsanaa si loo dhowro milgaha dawladnimo
iyo maamuska habsami-u-socodka maamul.
Aniga oo rajaynaya in aad xilalkaas oo dhan hanan doonto, waxaan si
rasmiya kuugu wa reejinayaa xilkii ballaadhnaa ee Wasaaradda
Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland.
Ilaahay adiga iyo inta kula hawl-gelaysaba ha idinku gargaaro oo ha
idinku asturo hawla ha xasaasiga ah ee idin sugaya. Sidaasna waan ku
duceeyay. Aammiin.
Gobannimo dadkaa mudan,
Galladdana Allayska leh,
Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL,
Bal hadda fiiro gaar ah u yeesha sida Madaxweynuhu go’aankii
xil-ka-qaadistayda ii far ay in aan Wasiirka cusub ku wareejiyo
Wasaaradda Warfaafinta iyo sida aan ugu waree jiyay Wasaaradda
Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Wasiirka cusub waxaan aad iyo aad uga
xumahay in lagala hadhay qaybtii Wacyi-gelinta oo weliba markii
danbena laga jaray TV-gii Qaranka oo Radio Hargeysa oo sharaf iyo
kaaramaba lahaa caddaysimo laga dhig ay. Xaqiiqadu waxay tahay in aan
caddaysimo oo keliya laga dhigin, bal se TV-gii naas-nuujinayay ee
habayay laga door-biday in lagu gunneeyo dad aan qarankan meerisna u
soo tolin.
Taariikhdu waa ay iska soo noqnoqotaa, suugaanta ma-guuraanka ahna
waxaad ku garataa sida ay goor walba u taagan tahay. Bal hadda
qormadeennan 28aad aan ku soo xidhno beydad aynu ka soo xiganayno
Cabdillaahi Suldaan, Timacadde, maanso uu tiriyay 1961kii oo ahayd
markii ugu horreysay ee uu Muqdisho tegay, waxaanu yidhi:
“Dan Soomaaliyeed lama hayee, wa dabbaal kale,
Shacbigii dagaalka u gala, daadsan suuqyada e’,
Danbarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye,
Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasaddaw madhiyay,
Ee daasaskeennii wixii yaallay, lagu doortay,
Dikhsi lama xisaabsanid haddaad, daw ku kulantaan e’,
Dibjirkiyo haddaan lala hadlay, dumarkan gaajaysan,
Ninnaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaal-degin e’
Hadduun baa sidii buul-duqeed, daaha loo rogaye,”
(la soco……………………………)
|
|