Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa Qormadii 23aad ee Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

 

 


Qormadii: 23aad



31kii Maarj, 1987kii ayaa Guddoomiyaha lagu diiday Guddidii Fulinta. 1dii Abriil, waa maalintii xigtay ‘e, saacaddu markay ahayd 16.10 saacadood oo casar ah, ayuu Guddoomiyihii hadalk an u jeediyay Kal-fadhigii Golaha Dhexe. Inta badan hadallada caynkan ahi ma ay raacin jirin khudbadaha furitaanka iyo xidhitaanka, bal se waxa lagu ladhi jiray marka xaal hirig noqdo.



Maalintaa wuxu Guddoomiyuhu yidhi:



“Waxan doonayaa in aan idin dareensiiyo dhacdooyin badan oo hareeraheenna ka socda, sid a Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ay Maxamed Siy aad Barrena ilmo-adeer ahaayeen oo Adis-ababa u yimid arrintii Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa kale oo uu soo qaaday Mengistu Xayle Mariam Diri-dhabe yimid oo ay is-arkeen Muda ne Xasan Guuleed Abtidoon, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka wada hadlaya koll ey arrintii dhex-dhexaadinta iyo kuwo iyaga u gaar ahba. Dhinaca kale Jigjiga iyo Ciidammade ennii iyo degaankaa waxa ka taagan iyo aagga Woqooyi abaabulka uu immika kaga jiro gooba ha dagaalka iyo dagaallada dhabarka, oo innagana ay Mujaahidiinteennii hadda halkan iyo Jigjiga tuban yihiin. Waxa kale oo suuroobi waayay, Shirweynaheennii ka hor dhowr hawl-gal. Markaa joogitaankeenna iyo murankeenna halkani wuxu keenayaa dibudhac. Waxa kale oo I na soo gaadhaya waraaqo dibadaha ah oo sheegaya in la inagu soo maqan yahay. In kasta oo ay fadhigeennii badnaa ay ka soo baxeen go’aammo badan oo loo baahnaa haddana maa daama ay inteenna halkan isugu timid ay yihiin intii ummadda u talinaysay, waxaan soo jeedinayaa in aanay waqti dheer inagu qaadan”.



Su’aaushu se waxay ahayd ha la tagee maxaa lagu tagaa? Guddoomiyiha Shirweynihii ayaa doortay, hay’adihii kale se maye? Beryihii danbe sheekadu waxay gaadhay kubbad ayaa Soo maaliya iyo Itoobiya ciyaarayaan ee dhakhsada.



Doodda inteedii badnayd waxay ku saabsanayd sidii Guddoomiyaha loogala talin lahaa Guddid a Fulinta iyo sidii codka loogu qaadi lahaa. Cod-qaadista waxa la isku hayay ma mid mid ayaa loogu qaadaa mise duuduub oo mar keliya ayaa la soo dhigaa. Si arrintaa cod-qaadista go’aa n looga gaadho Guddoomiye Siilaanyo ayaa codsaday in Mujaahid Cabdilxakiim Maxamed Aad an (Qaaddi Sumuni) oo hore u ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare aqoon fiicanna u lahaa sharciga isla markaana ku habboonaa in uu ururka kala taliyo.



Hadal dheer ka dib Qaaddi Cabdilxakiim wuxu talo-bixintiisii ku soo ururiyay in la raaco habka Golaha Dhexe loo doorto oo qaabka doorasho ee ururku mideysnaadaan. Sidaa darteed wuxu soo jeediyay in mid mid codka loogu qaado. Habkaasina wuxu ahaa hab fudud oo qofka aan la doonayn ayaa hadhayay, Guddoomiyuhuna sidaa ayuu ku camal-fali lahaa oo kii lala hadhaba wuu beddeli lahaa.



Guddoomiye Siilaanyo ma uu jeclaysan talo-bixintaa Qaaddi Cabdilxakiim arrintiina wuxu geliyay cod. Waxay cod-bixxintaasi u dhacday:



Duuduub: 16 cod,

Mid mid: 16 cod,

Aammus: 2 cod,



Markay codadkii is-le’ekaadeen waxa codkiisii riday Guddoomiyihii oo raacay intii duuduubka ku cod-bixisay. Ka dib Kal-fadhigu wuxu iska xulay Guddi kala talisa Guddoomiyaha sida uu u soo dhisayo Guddida Fulinta ee danbe, kuwaasoo kala ahaa:



1. Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi),

2. Muuse Giirre,

3. Ismaaciil Xaaji Cabdi,

4. Muuse Biixi Cabdi,

5. Cabdi Xasan Liibaan (Nah-nahle),



Guddidaasi waxay sidatay kalsoonidii Kal-fadhiga 1aad, waayo waxa isla oggolaaday 25 cod, waxaana diiday 4 cod oo keliya. Kal-fadhigii hakad ayaa la yar geliyay Guddidiina waxay u baxday si ay ula soo taliso Guddoomiyaha, iyada oo wixii talooyin ah ka sii qaadatay xubnihii Golaha Dhexe. Guddoomiyaha waxay ugu tageen Hudheelkii uu degganaa ee Kaaraa-mardha.



Galabnimo ayaa Kal-fadhigii dib loo furay, waxaana nagu soo noqday Guddidii oo ka dardaar-werinaysa Guddoomiyihii oo ka talo-qaadan waayay. Waxay isku soo qanciyeen innaga ayaa tashan e’ Ina keena. Waxay uga warrameen xubnihii Golaha Dhexe in uu Guddoomiyihii ka talo-qaadan waayay, sidaa darteedna uu Golaha xil weyni fuulayo.



Isla galabnimadaa ayaa Guddoomiye Siilaanyo soo dhigay Guddidiisii Fulinta ee labaad iyada oo xubnihii Golaha Dhexe ay isa sii qanciyeen oo ay meel dhigteen waxa ay yeelayaan. Bal qabsoo bil ka hor ayaa laga soo baxay Shirweynihii 5aad oo lagu doortay Guddoomiye Siilaanyo. Sidaa darteed xubnaha Golaha Dhexe waxay isku qanciyeen si magaca iyo karaamada ururka loo dhowro oo aan loo odhan waa urur waalan oo ninkii ay shalay ku doorteen Shirweynaha ayaa Kal-fadhigii Golaha Dhexe bil ka dib lagu riday; waxa lagu sii heshiiyay wax kasta oo uu soo dhigo in la qaato oo codka la siiyo. Hadda dulqaadka iyo talo-qaadshaduba wax Guddoomiyaha faran ayay ahayd. In uu Golaha iyo inta badan u hoggaansamo oo mabaadiida ururka dhowro ayay ahayd, ma se yeelin.



Waa tan Guddidii Fulinta ee labaad ee uu soo dhigay:



Tiro


Xoghaynta


Xoghayaha

1. Ciidammada Xoreynta
Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi

2.Abaabulka
Cabdinaasir Sheekh Cali

3.Diinta iyo Caddaaladda
Shakiib Cabdilqaadir

4.Warfaafinta
Xasan Ciise Jaamac

5.Arrimaha Dibadda
Axmed Maxamed Qayir

6.Arrimaha Bulshada
Daa’uud Kheyrre Kaahin

7.Maamulka Dhexe
Xuseen Cali Xirsi

8.Aagga Baarrey
Maxamed Ibraahin Warsame

9.Maaliyadda
Siciid Maxamed Nuur

10.Aagga Mustaxiil
……………………………………..



Sida idinkaba idiin muuqan karta wax is-doorshay ma dhicin oo aan ahayn saddex Xoghaye oo jagooyinkoodii hore uu is-weydaarshay. Dhaqankii ururka iyada oo la raacayo hakad ayaa Kal-fadhigii la geliyay si loo soo wada-tashadao. Run ahaantii wada-tashi hadhayba ma jirin, ee wax sunne ah ayay ahayd in la isla baxo oo afka la is-geliyaa. Laguma raagin e’ markiiba madashii Kal-fadhiga ayaa lagu soo noqoy.



(La soco………………………….)