Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa Qormadii 26aad ,  Mujaahid Boobe Y. Ducaale
 

 

 

 



Qormadii: 26aad

Akhristayaasha ayaa soo codsaday in aan halkan ku soo daabaco wareegtadii xilka la igaga qaaday, sidan ayaanay u qornay:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012 xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.


Madaxweynuhu:-
Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-


Ujeeddo: Xil-ka qaadis


Mudane,



Waxa aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.



Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee JSL.


Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”



Haa…..Warqaddii Madaxweynuhu ii soo qoray taas ayay ahayd, tilifoonkaasina waa uu ka danbeeyay.

30/8/2012ka:

Hees Cali Sugulle Duncarbeed lahaa oo ay qaaddo ama ku luuqayso Hibo-nuura ayaa waxa ku jiray:

“Ma hadhin hadal la is-yidhaahdaayee,

Hubsiimo hal baa la siistaa,”



Subaxnimadii aniga si fiican u lebbisan oo suudh madow xidhan ayaan ku kallahay xafiiskaygii sidii uu dhaqanku ahaa. Aad ayaan iskaga deggenaa oo culays badan ayaa iga dhacay, werwer badanina waa uu iga hadhay, mas’uuliyaddii aan la iigu xil-qabin ee inta badan la igu wanjali jirayna waa ay iga hadhay. Ilaahay mahaddii ayay ahayd in aanay Wasaaraddii Warfaafinta iyo Wacyi-gelintu gacantayda ku burburin. “Ilaahow colkayaga, col ku furo” ayaan hoosta ka odhan jiray.



Waxaan xaqiiqsaday beryihii danbe oo dhan in ay wasaaraddu xuquuqdeeda iyo taakuleynteeda ku waayi jirtay: “Boobe ha fashilmo.” Bal se anigu ma aan fashilmayn e’, waxa burburayay hay’ad dawladeed, hay’ad ummadeed oo shaqaale afar boqol gaadhayaa ka hawl-gelayeen.



Subaxnimadii markii aan xafiiska tegayba, waxaan shir loo dhan yahay yeedhay Agaasimihii Guud iyo dhammaan Agaasimayaashii Waaxaha Wasaaradda. Waxaanu ka wada tashanaynay waqtiga ugu dhakhsaha badan ee xafladda xil-wareejinta loo samayn karo. Dhammaantood waxay isku raaceen in ay xil-wareejintu dhacdo 4/9/2012ka oo weliba lagu Hoolka TV-ga Qaranka. Sidaas ayaanu ku kala ambo-baxnay oo ay cid waliba waajibkeedii ku qaadatay.



War-saxaafadeed

Aniga oo ah Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), una dallacay derajada ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan halkan ku soo saarayaa war-saxaafadeedkan ku saabsan arrimaha la xidhiidha xil-wareejinta. Waa war-saxaafadeed kooban oo ku saabsan arrintaa xil-wareejinta oo keliya. Sida xil-ka-qaadistaydu ku timid waa dhacdo kale oo maalinteeda ama maalmaheedaba yeelan doonta, waana la iga dhur-sugayaa inta aan xilka dawladnimo wareejinayo, damiirka xalan ayaana sidaa I faraya.

27/8/12ka, waxaan soo saaray Go’aammo Wasaaradeed oo ku suntanaa Ref: 05/08/2012ka, oo uu ka mid ahaa:

Si ku-meel-gaadh ah in uu Xasan Maxamed Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka TV-gu xilkiisii ugu wareejiyo Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Radio Hargeysa.

Xil-wareejintaas waxa hirgeliyay Guddidii aan u magacaabay oo ka koobnayd Agaasimaha Guud, Agaasimaha Radio Hargeysa iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta. Intaas waxa raacsanaa xil-ka-qaadista Agaasimihii Tv-ga Qaranka iyo Guddoomiyihii Dawan Media Group, oo halkoodii aan laba Agaasime oo cusub u magacaabay. Xil-wareejintaasi mid fulaysa uma eka, in kasta oo aan u muddeeyay maalinta Sabtida ee ay Bishan Ogos 1da tahay.

Aniga oo mar walba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-celinaya magacaabistaydii hore iyo xil-ka-qaadistaydan danbeba, milge iyo maamuus badanna ugu haya qiimaynta uu I qiimeeyay, waxaan war-saxaafadeedkaygan kooban ku dalbanayaa:

1. In aan la gar-garoocan Go’aammadaydii ama Digreetadaydii Wasaaradeed oo aanay qaarna dhadhan samayn oo aan lagu degdegin kala-wareejinta, qaarna aan isha laga qarsan oo aanay fulin,

2. In xilalkii aan magacaabay xil-wareejin rasmiya oo ta Wasiirka ka horreysa loo sameeyo maa daama ay kala horreeyeen, milgaha dawladnimana sidaa ina farayo,

3. Haddii kale in Madaxweynaha JSL soo saaro go’aan uu ku burinayo Go’aammadii ama Digreetadii Wasaaradeed ee 27kii bishan dhammaanteed ama qaybo ka mid ahba,

Waxaan halkan ku caddaynayaa in aan u hoggaansanahay hirgelintada Digreetadii Madaxweynaha ee xil-ka-qaadistayda, mahad iyo abaalna ugu hayo walaalkaygii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo.

Gobannimo dadkaa mudan,

Galladdana Allayska leh,

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),

Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL,



(La soco………………………………………)