Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa Qormadii 27aad ee Muj Boobe Y.Ducaale

 





Qormadii: 27 aad

Akhristayaasha Qormooyinkan kooban ee taxanaha ah iyo inta dal iyo dadba danaynaysa w axaan mar kale iyo marar badan oo kaleba ka codsanayaa in aanay cidna u jawaabin. Toobiyaha iyo tubta toosan ee aynu ku hollinayno in aynu wax ku saxno yaan la inaga leex in. Waa codsi. Dheg ha u dhigina dhawaaqyada idin ku soo dhacaya. Waxa la doonayaa in aynu qof qof iyo koox koox isku qabsanno, innagana ujeeddadeennu intaa waa ay ka fog ta hay. Yaan la damqan oo aan dareen loo yeelan inta u darban in ay jidka toosan inaga leexi so.

Intaasi waa iga dardaar-werin e’, taxanaheennii dib ugu soo noqo iyo toosinteennii, ttoobiy aheennii toosnaa.

Warqaddii xilka la igaga qaaday ee Madaxweynuhu ii soo qoray 29/8/2012ka, waxa la igu amray oo qoraal la igu faray:

“Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Xaaji Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Hore ayaan idiin ku sheegay oo gar-naqsigaygani waa bun-tirsi oo wax la isu dhaafayaa ma jirto. Labada erey ee niyad sami iyo ku meel gaadh sidan Madaxweynuhu ku saxeexay uma qormaan ee waxay sax ku yihiin niyad-sami iyo ku-meel-gaadh. Malahayga waxa fiicnaan la hayd in Madaxweynaha Qaranka sharaftiisa iyo karaamadiisa la dhowro oo loo geeyo Af-so omaali saxan oo sugan oo aanay Odeyga waxba kaga soo noqon. Bal u fiirsada inta qof ee u shaqaysa ama xafiisyo ah ee Wasaarad Madaxtooyo iyo Af-hayeenba leh.

Anigu markii aan warqaddaa helay, War-saxaafadeedkii aan idiin soo daabacay ayaan qora y. Run ahaantii waxa ka yar horreeyay waxaan u malaynayo in uu wareysi ahaa oo wargey s iga qaaday oo aan ku sheegay in xil-wareejinta Wasaaradda ay ka horreyso xilalkii aan ma gacaabay oo la wareejiyaa. Labadan arrimood ayaa deggenaansho-la’aan ku riday Madaxto oyadeennii hilaadda, saadaasha, oddoroska iyo agatidaba gaabnayd ee aan qorshe-hawlee dka la raaco lahayn.

Qormooyinkan taxanaha kooban ah ee aan idiin soo qoro waxaan bilaabay toddobaadkii ugu horreeyay ee bishii Sebtember. Qormo walba inta aanay iga bixin ee aanay I dhaafin wax ka badan 10 jeer ayaan akhriyaa oo tifaf-tiraa. Intaas oo jeer ayaan tilifoonno diraa oo aan er eyada macnahooda iyo sida ay u qormayaan iska hubsadaa. Marka iigu danbeysa dhowr qof ayaan e-mail ahaan ugu diraa bal in ay iga hubiyaan in aan wax qalad ah ama af-lagaaddo ah qoray. Si kale hadii aan u dhigo waa la iga soo dhadhamiyaa, markaa ka dib ayaan daaba caadda wargeysyada iyo mareegaha u gudbiyaa.

Bal ka warrama afartan erey ee Madaxweynaha la hoos dhigayo ee ay qorayaan nimanka degdegga iyo diihaalka la sahayaa. Bal adba!

Aniga oo uu Madaxweynuhu qoraal igu faray in aan xilka ku wareejiyo Wasiirka Gaashaan-dhigga inta uu cid u soo magacaabayo, ayay haddana Madaxtooyadu soo jeedday habeenkii 31kii Ogos iyo 1dii Ogos kala wareegayeen. Bal hadda dhacdooyinkani yaanay idiin dhuuman ee u fiirsada. Isla habeennimadaa saqdii dhexe oo dhaqanka Madaxtooyadeenna ah, waxa la magacaabay Wasiirkii Warfaafinta. Waqti ku beegnaa 2.00dii saacadood ee subaxnimo ayaa la magacaabay, Wasaaraddana waxa la geeyay ilaa 7.00dii saacadood ee subaxnimo si wararka Radio Hargeysa loo raaciyo. Wefdigii Madaxweynuhu hoggaaminayay ee ka qayb-gelayay aaskii Meles Zenaawi wuxu Hargeysa ka baxay subaxdii hore ee ay bisha Ogos ahayd 1da, waayo aaska ayaa ku beegnaa 2/8/2012ka.

Ma maqli jirteen: “Hashu maankaygii gadday e’ ma mansaar ayay liqday.” Bal waxaad ka wa rrantaan Madaxtooyadan labadan go’aan qaadatay. Ka warrama Madaxtooyada 29kii Ogos tidhi “inta aan cid u soo magacaabayo” ee haddana habeennimadii 31kii Ogos Wasiirka maga cawday. Qolyaheennii Bulshada rayidka ah ahayd waxaynu lahaan jirnay “Strategic Planning” iyo Qorshe Hawleedyo sannadle ah, bille ah, toddobaadle ah, maalinle ah, saacadle ah iyo waxyaabo la mid ah.

Bal ka warrama dalkan ku jira sidii Timacadde yidhi:

“Marka anad hammoon noloshu, waa mooyi dabadeed,”

Go’aankaa Wasiirka Warfaafinta lagu magacaabay, waxa la socday xilal kale oo dad loo mag acaabay. Waxa halkan xusid mudan in TV-gii Qaranka laga gooyay Wasaaraddii Warfaafinta ee uu ku sidkanaa ee uu habi jiray, isla markaana loo magacaabayay Maareeye. Agaasimihii TV-ga Qaranka oo ka mid ahaa labadii Agaasime Waaxeed ee aan beddelay waxa loo magac aabay Af-hayeenka Madaxtooyada.

1/8/2012ka:

Sidii caadada ii ahayd ayaan u shaqo tegay si aan u diyaariyo xil-wareejintii Wasaaradda. Xafiiskii inta aan ka imid ayaan Hudheel Guuleed oo aan qolo kula ballansanaa imid. Dhaqank ayga ma aha in aan hudheellada camal-la’aan ama ballan-la’aan iska tagaa ama iska fadhiist aa. Waa ilaa yaraantaydii, immikana waqti aan dhayal ku lumiyo maba haysto.

Waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 11.15 gelinkii hore ah ayaan Hudheel Guuleed ka tega y. Aniga oo sii baxaya oo weli mooska dul socda, albaabkana aan gaadhin ayuu tilifoonkaygii soo dhacay. Waan eegay. Saa waxa shaashadda ku qoran “Timacad”. Markiiba waan gartay oo saaxiibkay Abiib Diiriye ayaa sidaa iigu diiwaan-gashan. Wuxu igu yidhi: “Waar Boobe iska warran.” Aniguna waxaan isu raaciyay: “Waxaan kugu hanbalyaynayaa xilka cusub ee laguu dhiibay.”Mahadsanid,” ayuu yidhi. Waxaan ugu daray: “Halkeed joogtaa.” Oo waxaan doon ayay in aan u tago. Wuxu iigu jawaabay: “Golihii Wakiillada.” Intaa ka dib waxaan is-idhi mal aha wuu hawlan yahay e’ la ballan, waxaanan kula ballamay Wasaaradda iyo berri.

Abiib waan ku mahadinayaa in uu ila soo hadlay oo weliba igaga horreeyay. Subaxnimadii aa nu ballannay waanu isu nimid. Waxaan u sheegay in Madaxweynuhu qoraal igu siiyay in aan xilka ku wareejiyo Wasiirka Gaashaan-dhiigga, ka dibna adiga ku magacaabay. Waxaan intaa ugu daray in aan Cadami arki doono.





(la soco……………………………)