MAHAD ALLEE CODKEENII WEYNU KU CIIDAMINAY
 



Ugu horreyn, hanbalyo iyo bogaadin aan la wadaago shacbiweynha Soomaliland, xaakim iyo mu waadinba. Waa sharaf aynu dhammaan wadaagno, si gaar ah aan hanbalyeeyo hoggaamada xisbiyada iyo ururada iyo musharaxiinta: KULMIYE, UCID, XAQSOOR, WADANI, DALSAN, UMMAD DA, IYO RAYS, sidoo kale aan hanbalyo gaar ah u tabiyo hawlwadeenada doorashooyinka iyo hay’adaha nabadda

Waxaynu ku jirnaa xili aynu sugayno natiijadii doorashada deegaanka 2012 ee dhacday Arabac dii 28/11/2012. Weynu codeynay badhkeena wey baal mareen sharciga oo wey laba gacmoo diyeen. Qof waliba waxuu u codeeyey si xor ah oo uu kaskii ku doortay xildhibaan uu doorbiday si ay tahayba. Mid aqoon ku codeeyey, mid saaxiibnimo ku codeeyey, mid qabiil ku codeeyey, mid xisbinimo iyo ururnimo ku codeeyey, mid dan gaar ah iyo arrimo shakhsi ku codeeyey. Nin iyo kaskii iyo daacadnimadii.

Qof waliba wuu ku ciidamiyey codkiisa, waxuu siiyey qofkuu ku doortay caqligiisa iyo dareenkiis a sida ay doonto ha ahaatee. Muwaadin waad gudatay waajibkii dalka kaa saarnaa. Waxaan ku faraxsanay in si lexaad leh loo codeeyey, si nabad ah loo codeeyey, si xilkasnimo ah loo codeey ey. Cod xor ah oo dunidu ka amarag kacday, ayaa dhacay. Doldalool kama madhna, ma se aha wax ka baxsan arrimo ka dhashay diiwaan la’aanta. Waana mid qaladka ka dhashay loo dhan yahay oo leysku raacay.

Waxa xaqiiq ah in ummaddani gaadhay heer ilbaxnimo siyaasadee oo qoto dheer. Waa dimuqu raadiyad xidideysatay. Waxa keliya ee foolxumo kaga timaadaa, waa xulashada murashixiinta oo qabiilisan, waana mid laga kori doono. Waxaa se taas khatarteeda yareeyey, iyadoo beel kasta iyo xataa jifo kastaa musharax ku leedahay dhammaan ururada iyo xisbiyada, oo aanu jirin xisbi beeli ka madhantay. Waxaad arkeysaa iyagoo ay meel wado joogaan ooy ruux waliba cid wato cidna diidan yahay, haddana ay isku ixtiraamiyaan khilaafka afkaareed iyo xisbi. Ma jiro urur, iyo murashax meel ka caagani. Dariiq kasta iyo goob kasta waa u xor inuu sifo sharci ah ku shiriyo, kuna fidiyo siyaasadiisa iyo afkaartiisa. Dulqaadka dadkeenu waa mid u bisil inay intaas oo kala duwan, kala da’ah kala aqoon ah dhegeystaan iyagoon aflagaado iyo dirir kala hor iman ka ay ugu neceb yihiin siyaasad ahaan.

Waxaad arkeysaa safaf dhaadheer oo cod-bixinta loogu jiray. Dadku waa kala urur, waa kala xildhibaan. Weliba wey is wareysanayaan oo intay sugayaan ayey is weydiinayaan halka uu codka ku ridaayo. Isagoon qofna ka gaban kana gaabin ayuu toos u sheegayaa halkuu rabo inuu qalinka ku duugo. Waa arrin ay ka dhalatay kalsoonida uu ku qabo inayna fikirkiisa xorta ah wax dhib ihi marna kaga imanayn.

Caasimadda Hargeysa waxa iska soo sharaxay tartamayaal matalaaya gobol kasta oo Soomal iland ah bari iyo galbeed. Waa astaan horumar bulsho, iyadoo loo arkey inay Hargeysa mug we yn tahay xarunta kulmisa reer Soomaliland. Waa dimuquraadiyad shaqaynaysa oo muuwaadi nku waa u siman yihiin doorashada, mana jirto cid iska hortaagi karta hadduu haysto taageera yaal u codeeya. Waa adi iyo sidaad ku soo hesho taageerayaal goobta aad iska sharaxayso. Sidoo kale ayey degmooyin kalena u noqdeen qaar u furan dhammaan muwaadiniinta. Waa horumar bulsho oo dhab loo qaaday, horreyna u soconaysa.

La tartan, lana baratan, la dood, leys xanaakadee, leys dhaliil, gaashaanbuuro abuurme, qaar kalena burbure. Waxa la soo gaadhay saacaddii imtixaanka, si miyir iyo nabad iyo deganaansho ah ayaa goob kasta oo imtixaanku ka furmay loo agaasimay. Waxa bilaabmay codeentii oo si nabad ah ku bilaabantay kuna dhammaatay. Waa guul dunida wax yari ku naaloodaan. Dal boqolkiiba sideetan shaqo la’day, dal dagaalo sokeeye ka doogsaday oon weli la aqoonsan, dal weli qabiilku xoog ku yahay, haddana ay buuq la’aan iyo sanqadh la’aan ay doorsho ku dhammaato inta la arkaa aad ayey u yartay, Soomaliland se waa u caado.

Waxaad arkeysaa xarumihii ururada iyo xisbiyada oo ay dhooban yihiin taageerayaashii mush araxiintu. Ma laha qaylo iyo buuq. Waxa leys weydaarsanayaa wararkii sanaaduuqda, ruux waliba inta uu ogyahay ayuu kan kale weydaarsanayaa. Hebel intaas ayaan u hayaa, anna hebel intaas ayaan u hayaa. Sidaas ayaa leysu dhaafayaa. Raggani waxay ku tartamayaan kaalinta hore ee xisbiga si ay u noqdaan xildhibaanada guuleysta. Haddana ka dareymimeysid wax xiqdi iyo xumaan ah. Mid waliba walow uu jecel yahay inuu halka hore galo, haddana waxuu ku faraxsan yahay saaxiibkiisa guuleysta. Wey kaftamayaan, iyagoo qoslaayana wey isu haneynayaan. Waa dareen walaalnimo iyo tartan walaalo isjecel. Waa walaal xisbi iyo dad danta guud wadaaga.

Kama dheer dareenkaas kan ka dhexeeya ururadu. Waa leys wareysanayaa, majlis iyo maqaax iba waa la wado joogaa. Lama kala waji dadbaayo, lamina kala tegaayo. Kii kolba warku soo she ego inuu tirada ku horeeyo ayaa la hanbalyeynayaa. Waxa si is dabo jog ah u dhacaaya mobile ka. Kan lala soo hadlaa qarsoodi kama leh dadka ee intuu maqlayba wuu sheegayaa. Kolkaas ay ey xigeysaa faalo guud iyagoo eegaaya warkani inuu wax ka bedelo sadaashii ay hore u naaq isheen.

Waxa haddaba jira dad iyagu kol walba isku dayaa inay xaaladda walaalnimo iyo degnaanshaha iyo dulqaadka siyaasadeed u carqaladeeyaan dano gaar ah. Waxay fidiyaan warar is-burinaa ya iyagoo kolba cid guusha siinaaya, ummaddana dhex dhigaaya tartan xiqdi iyo xaasid ooy ku bedelaan kii walaalnimo iyo xisbinimo. Waxay kolba meel u raraan eedo guud ahaan la wadaago. Kolka leysla ogolaaday in diiwaangelin la’aan la codeeyo, waa lagu talo galay inay dhacdo celcelini. Waa se mid tartamayaashu dhammaan isla garteen. Waxaynu ku qanacsan yihiin in cid waliba ku celcelisay sidaas darteedna intii kol walba leys dheeraa leys dheer yahay. Waa se xaqiiq jirta in murashixiinta qaar qaladka ku badsanayaan. Ma se aha mid xisbi iyo urur u gaar ah amba codka guud ee xisbi iyo urur wax weyn ka bedeleysa.

Guusha aynu ku kasbanay ammaanta iyo qadarinta caalamka, aanu ku wadno ooynu ku qanac no natiijada ka soo bixi doonta Guddiga Doorashada, waxa u banana cidda qalad tirsanaysa inay marto dhabada sharciga ah ee ayna isku qaadin meel qaloocan oo nabadeena wax yeesha. Waan hubaa in shacbigeenu u bisil yahay, siday cidda dar jiidha uga hadhaan, kuna soo daba alaan dariiqa wanaaga iyo wada-jirka.

Waa inagoo guusha aynu gaadhnay ilaashana, qaladaadka dhacay daris ku qaadana. Himmiladeenuna waa horumar, nabad iyo wadajir.

 

 


Mahad oo dhan Allaa leh.


Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/