Ujeeddo: Mahadnaq iyo Maamuus

 

 


Salaanta Islaamka ee qaaliga marka aad guddoontaan kadib, waxan halkan uga mahad naqa yaa mareegaha (websites) reer Somaliland ee aan magacyadooda hoosta ku magacaabay i yo dhammaanba akhristayaashii qormadii la magacbaxday; "Gabiley iyo Gu'yaal Tegey" ee ay nu soo gebgabeyney.

Mareegaha mahadda iga mudanna waxa ka mid ah:

1. Hadhwanaagnews oo soo qortay dhammaanba qaybihii taxanaha oo waliba calaamaddii go bolka Gabiley astaan uga dhigtay, si ay indhaha akhristu ugu dhacaan.
Hadhwanaag waa horseed!

2. Timacadenews.com oo runtii si aan hagar lahayn dadka uga haqab tirtay dhammaanba qay bihii qormadaa- ahaydna mareegta ugu horraysa ee aan jawaab celinta ka helo!
Waxad mudan tihiin , hiil aan hagar lahayn!

3. Mareegta Oodweynenews.com oo soo bandhigtay badiba qaybihii taxanaha. Runta marka la sheegana aan ku ammaanayo, sida ay ugu dhegonugul yihiin maqaallada dalka danta u ah!

4. Somalilandmedia.com oo soo qortay dhawr qaybood oo ay waliba ku ladheen astaanta gob olka Gabiley.

Waxanse aad ula yaabay, mareegta la magacbaxday; Gabiley.net oo ahayd tii aan u xigto mii si jirey ee aan habeen walba ugu horraysiin jirey oo aan soo qorin xataa qayb qudha!! Xukunka iyo xaalka (website) kaana waxan u deynayaa, dadweynaha gobolka Gabiley ee ay magacooda huwan tahay.

Mar labaad waxan leeyahay Sshaqaalaha sharafta leh iyo Mulkiilayaasha mareegahaaba, ma hadsanidin.

 


Wa bilaahi At-towfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com