Majallad Caalami Ah Oo Faahfaahisay Ahmiyadda Casriyaynta Dekadda
Berbera
Hargeysa (TNN) :- “Waxaan qorshaynaynaa inay Berbera noqoto
albaabkii Geeska Afrika, s annad gudahiina aanu dejino badeecadaha
kontiinarada gaadhaya 200,000 Berbera waa xa run istaraatiji ah sida
Jabuuti,” ayuu sheegay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Cali Max amed (Xoor-xoor).
Warbixin Rugta Ganacsiga, Warshadaha & Beeraha Somaliland soo
saartay dhowaan kagan a hadlaysay muhiimada heshiiska maalgelinta
shirkada DP World ee casriyeynta dekeda Ber bera oo lagu daabacay
wargeyska Publicnow.com oo ka faalooda arrimaha ganacsiga ayaa lagu
bilaabay:“Shirkada DP World iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen
qorshe lagu maal geli nayo dhaqaale gaadhaya $442 million dekedda
Berbera, si wadaag ah. Heshiiskan oo qeyb ka ah hindise shirkada DP
World ku xoojinayso hawlahooda Barriga Dhexe & Qaarada Afri ka, sida
dekedda Dooraale ee Jabuuti, marsadda Jabal Cali ee Dubai, iyo
dekedaha wadam adda Senegal, Masar, Mozambique iyo Algeria.
“Waxaan qorshaynaynaa inay Berbera noqoto albaakii Geeska Afrika,
sannad gudahiina aanu dejino badeecadaha kontiinarada gaadhaya
200,000- Berbera waa xarun istaraatiji ah sida Jabuuti,” ayuu
sheegay Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Cali Maxamed Xoor-xoor.
Dekedda Berbera ayaa ku taal albaabka Badda Cas iyo marinka Suez,
isla markaana ah wad do-mareenka maraakiibta ganacsiga Aasiya,
Khaliijka iyo Yurub.
Berbera oo baddi loo adeegsan jiray dhoofinta xoolaha ee wadammada
Khaliijka, kana soo degi jireen badeecado kontiinarro gaadhaya 40
kun sannadkii, ayaa shirkada DP World ku qalabayn doontaa
kaabayaasha loo adeegsado rogista badeecadaha kontiinarada (gantry
cranes) iyo nidaam casri ah oo lagu xafido badeecadaha iyo baddi
aqabka loo adeegsado dekedaha.
“Qorshahani waa baahidii deked kastoo casri ah, laakiin markaan
leenahay waan casriyeyn aynaa, kuna qalabaynaynaa dekedda Berbera
sidii ay u noqon lahayd xudun ganacsi, macn aheedu maaha, inaanaan
qorsheyaal u hayn horumarinta kaabayaasha kale,” ayuu sheeg ay
Afhayeen u hadlay shirkada DP World.
Heshiiska qoraalka hordhaca ee ay kala saxeexdeen shirkada DP World
iyo xukuumadda So maliland, ayaa $442 million lagu maalgelin doonaa
horumarinta dekeda Berbera iyo ganacsi ga Geeska Afrika. Heshiiskan
hordhaca ayaa bilow u ah qorshayaal maalgelineed iyo heshii syo
horumarineed sharci ah oo laba dhinac si dhammaystiran u wada
saxeexan doonaan.
Heshiiskan ayaa taageeri doona aqoonsiga Somaliland ee beesha
Caalamka, ka dib muddo 25 sannadood oo dal madaxbanaan aan aqoonsi
haysan u socdeen. Waa heshiiskii ugu qii mo badnaa abid iyo cod
kalsooni siinaya awooda Somaliland ee ilaalinta nabadgelyada iyo
xasiloonida xuduudahooda.
Dekeda Berbera ayaa muhiim u ah wadammada aan baddaha lahayn e
egobolka, isla marka a na heshiiskani waxa qeyb ka ah abuuritaan goob
ganacsiga cashuurta ka caagan (free trade zone), ayey DP World
sheegtay. “kalsooni weyn ayaan ku qabaa Afrika, waa qaarad fursado badan
yaalaan,” ayuu yidhi Gudoomiyaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem.
Isagoo raaciyey, “Geeska Afrika waxay xidhiidh ganacsi wadaagi
jireen Dubai, heshiiska casriyeynta dekedda Berbera wuxuu dhisi
doonaa xidhiidhkii dhaqan ee u dhexeeyey bulshada Somaliland iyo
Imaaraadka Carabta.”
Source: Wargeyska Dawan |