Xukuumada Siilaanyo Dhaayahii Iyo Dhegahii Dadkaba Way Xoraysay Haday Rumowdo Idaacada Wayni!


 


- Malaha Somaliland, maamul kasta oo soo mara waxbaa tilmaan iyo baadi-sooc lagu garto oo ka duwa kuwii ka horeeyay ama danbeeyay u noqdee, waxan laba isku maandhaafayn in hadii ay dhabawdo oo la qotomiyo idaacada wayn ee hada lagu sheegayo inay ka soo degtay dekada Berbera, lagana hadliyo oo ay waliba duryanto oo ay hawada qarada wayn leh ee culus, ee ku giblan caasimada Hargaysa dhaafto, ee ay dawladihii hore (tii Cabdi-raxmaan Tuur, Cigaal iyo Riyaale) tamar iyo taag ay ku jiidhsiiyaan hadalkooda u waayeen, inay dawlada madaxweyne Axmed Maxamuud ''Siilaanyo'' ku caan noqon doonto Xukuumadii WARBAAHINTA! Ee dhaayaha iyo dhegaha dadkeeda Xoraysay!

Waxa ay idaacadaasi la keenay ay meel sare ka gali doontaa oo ay qayb-libaax ka qaadan doontaa, halganka iyo horumarinta dhan kastaba leh ee ay muwaadiniinta reer Somaliland dalkooda curdinka ah hadh iyo habeenba ugu guntan yihiin, haday tahay kuwa dibadaha jooga iyo haday noqoto darka dhulkeenii ku noolba. Muwaadiniinta reer Somaliland meel ay joogaanba waxa ay u mucuurtoomeen inay mar uun helaan war-baahin dalkoodu leeyahay oo daboosha, baahiyaha badan ee ay ka qabaan dhinacyadan hoosta qaarkood ku xusan yihiin;

b- Warka iyo wacaasha dalka hooyo ee Jamhuuriyada Diimuqraadiga ah ee Somaliland.

t- Difaacista danaha qarankooda ee intii ay jirtay Somaliland-ba dayacnaa.

c- Fidinta iyo baahinta jiritaanka qaran-nimada dalka Somaliland.

j- Barbaarinta iyo ababinta da' yarta.

X- Waynaynta iyo xusida diinteena Suuban iyo dhaqankeena.

Kh- Kobcinta iyo tayaynta dhaqaalaha dadka.

d- I.W.M.

Hadii ay dhabawda hadaba, wali shaki baan ka qabaaye! Oo ay tis-qaado idaacadaasi wayn ee hada dalka loo keenay, waxay lamaane luxdan oo isku soohan la noqon doontaa Tv-yada reer Somaliland ee lagu diirsaday. Sabankan aan joogno, waxan filayaa inaanu dalna qaran-nimo buuxda sheegan karin hadaanu dalkiisa iyo dhulal kaleba shanqadhiisa gaadhsiin oo aan laga maqal, sidaas darteed, Idaacadaasi waa talaabo wayn oo hore loo qaaday oo uga dhigan dadka reer Somaliland, waxii soo maray markaad eegto 20-kii gu' ee ay jirtay, Inay dawladoodu Dayaxa gaadhay! Aan ku xidho aniguna sidaa ahaan maqaalkan yar oo aan ku gardaadiyo idaacadaasi, erayadii dhaxal-galka ahaa ee cir-bixihii waynaa ee Maraykanka ahaa ( Mr Neil Armstrong) ee Dayaxa tagay uu yidhi, markii uu cagtiisa saaray caradii dayaxa guudkiisa; '' That's one small step for a man, a giant leap for mankind''. Oo macnaheedu yahay, Talaabadaasi qof ahaan waa mid yar, dad ahaanse waa talaabo aad iyo itaal u wayn.

Hanbalyo Xukuumadaay, waana aan ka dhur-sugaynaa maqalkeeda oo dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland oo dhan wada gaadha!.

 

 

 

 

Cali Cumar Xasan