Maleeshiyadda Puntland Oo Weerar Gaadmo Ah Ku Soo Qaa day Ciidanka Qaranka Somaliland Ee ku Sugan Jiidda Horre Ee Deegaanka Gambadhe

 

 


Jiida Tukaraq waxaa sanadihii la soo dhaafay uu ahaa furin dagaal.........


Gambadha (TNN)- Wararka naga soo gadaya jiidda horre ee dagaalka ayaa sheegaya in dagaal culusi uu mar dhoweyd uu ka qarxay deegaanka Gambadhe oo ku dhow Jiida Tukaraq oo horey la isugu horfadhiyey, dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in uu u dhaxeeyo ciidamadda Qaranka Somaliland iyo maleeshiyadda Khaatumo Seeg oo gaashan ka helaya Maamulka Majeerteeniya ee lagu magacaabo Puntland.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in la maqalayo dayaanka madaafiicda, iyadda oo ay labad da dhinacba ay is weydaarsanayaan hubka noocayaddiisa kalla duwan, waxana wararku intaas ku sii darayaan in labadda dhinacaba ay wali ku kala sugan yihiin halkii ay dagaalku ka bilaabmay lamna garan karro khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaas.


Jiida Tukaraq waxaa sanadihii la soo dhaafay uu ahaa furin dagaal oo ay isku horfadhiyaan ciidam ada Somaliland iyo maleeshiyadda Majeerteeniya ee lagu magacaabo maamulka Puntland.


Si kastaba ha ahaatee deegaanka Tukaraq ayaa ku taalla duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxana Dagaalkan ka dhacay gobolka Sool uu ku soo beegmayaa xili uu da gaal kale saaka ka dhacay duleedka magaalada Buuhoodle.
 

 


Timacade News Desk