Maqaal ku saabsan Hay'adaha Madaxbanaan

 

Sulayman Cumar-Ku-Joog




Todobaadkan Wariyaha laanta curdinku wuxuu noo soo gudbiyey maqaal aad un qurux badan oo uu Sulayman Cumar ku Joog baraha Internetka ku faafiyey 25 September, 2006. Waa maqa al talo iyo tusaale ah......Sulayman immika wuxuu ka tirsan yahay la taliyayaasha M/weynaha manta.






Maqaal Ku Saabsan Hay'adaha Madaxa Banaan


Sulayman Cumar-Ku-Joog — London UK — 25 September, 2006

Guddooomiyaha Maxkamadda Sare-J/Somaliland

Xeer Ilaaliyaha Guud J/Somaliland

Hantidhawraha Guud J/Somaliland

Taliyaha Ciidanka Booliska J/Somaliland

Xisaabiyaha Guud  J/Somaliland





Waxaa dadwaynaha reer Somaliland iswaydiinayaan sababta idinka hortaagan inaa waajibaadkii iyo xilkii Dastuuriga ahaa ee la idiin macaabay?



Wuxuu Dastuurka Somaliland si caddaan ah u qeexay inaa fulinta iyo gudashada xikiina u madax bannaan tahiin oo aydaan cidna ugu habran inaa si dhexdhexaadnimo oo la siman yahay u gudataan howhiina.Waxa hubaal ah in haddii aa waajibaakiinii 50% gudataan aanay jireen ama ay yaraan lahaayeen dhallilaha xad dhaafka ah ee manta maamulka dalka loo aaneeyo.



Waxaa isu aragteen inaa tihiin shaqaale ay siyaasiyiintu danahooda u adeegsadaan. Waa nasiib darro aan la filayn. Haddii ummadu sidaa iska aqbalayso, waxaa iswaydiin leh, maxaa dowladihii Xamar ka jiri jirtay lagu diiddanaa?



Waxaa la ogyahay in dadka ay ugu naxariis daran yihiin ninka Siyaasiga ah iyo ninka ganacsatada ah. Waa halka laga yidhaahdo �IL RIBIX ARKAYSAA RIXIN MA EEGTO�.



Ninka Siyaasiga ahi meel uu joogaba, haddii uu waayo xeer iyo sharci uu ka cabsado oo dabar u ah, waxa hubaal ah inuu dabarka goosan doono oo isagu isu arko inuu yahay xeerkii iyo sharcigii oo meel laga soo qabto aan la heleen..



Marka Hayadihii Sharci fulintu ay xilkoodii si cabsi la�aan ah u gudtaan, ma dhici karto inuu Siyaasigu Sharciga ku adeegto oo daanahiisa wax walba ka horraysiiyo.Waxaa idin horyaal su�aalo ummaddu idinka sugayso inaa ka jawaabtaan:



Ma cid baa amar idinku siisay inaa indhaha ka qarsataan sida shuruucdii dalka loogu xadgudbayo?

Ku takrifalka iyoMusuqmaasuqa aan qarsoodiga ahayn yaa u xilsaaran inay dabagalaan; baadhaan oo isku dayaan inay wax ka qabtaan?

Ma dadwwaynaha ayaa cabsi� ka qabtaan oo diiddan in Shuruucdii la hirgaliyo?
Ma danahiina gaar ahaaneed ayaa u aragteen inaa afka iyo indhaha xidhataan?

Ma aqoon darro awgeed ayaa xilkiinii u gudan waydeen?

Xeer Ilaaliyaha, Hantidhawrka Guud iyo Taliyaha Ciidanka Boolisku, ma waxay leeyihiin ma jirto howl ay gabeen oo xilkoodii way gudteen?

Ma waxaa door biddeen in Siyaasiyiinta sare iyo kooxaha iyaga ku xidhan aan Sharcigu qaban oo haddii aa dhex gashaan shaqada ayaa la idinka eryi doonaa?

Ma ogtihiin in haddii aa tallaabo ka qaadi waydaan faldanbiyada Qaranka laga galay sida hanti si caddaan loo meelaystay, aa idinku ka badbaadaysaan dembiyada iman doona?



Dalku waa dalkiinii, waana maalin uu aad idiinku baahan yahay. Waa ogtihiin dhibta iyo silica loo soo maray. Waa ogtihiin in rag naftoodii iyo maalkoodiiba u huray. Maaha manta maalintii nin xil la saaray uu xilkiisii ku doorsado raaxo iyo adduun ay eed, aano iyo taariikhi ka danbayso. Waa xilli ninkii u xiisa qaba Magac iyo Maamuus uu si fudud ku kasbi lahaa. Ummaddu maanta ayay u oomman tahay hiil iyo waxtar LIBAAX NIN GANAY IYO NIN GALLADAYBA OG.



Waxaan idinku baraarujinayaa in� maanta dalkiinii iyo dadkiinii idiin baahan yihiin. Abaal iyo Inkaarba waa ummad leh. Dalka rag baa naftoodii u huray, rag badanina waa u soo naafoobeen. Haddii la idinka eryo shaqadiinii oo aa qabsateen, baahi u dhiman maysaan waxaanad kaga badsan doontaan abaalka dadwaynaha.

WAA DAN AMA DAL. WAA DAD AMA DAAR.



Sulayman Cumar-Ku-Joog


London UK