Maraykanka
oo Cambaareeyay Qaraxii Hotel Muna
Dawladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay Qaraxa, waxaanay
wasaaradda arrimaha dibaddu tacsi u dirtay dadkii ku dhintay.
Washington-DC (TNN)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa
sheegtay in Mar aykanku aad uga xunyahay qaraxa al Shabaab u
gaysteen dad rayid ah oo ku sugnaa Huteelka.
Afhayeenka wasaardda arrimaha dibadda ee maraykanka PJ Crowley ayaa
shir jaraaid oo uu qabtay ku sheegay in dawladda Maraykanka Tacsi u
dirayso dadkii ay ehelada iyo qaraa badu kaga dhinteen
weerarka Al Shabaab la beegsatay Huteel Muna.
Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee maraykanka ayaa sheegay
in weerarka oo lagu beegay bisha ramadaan ay tusaale u tahay sida
kooxda Al Shabaab aanay u xaqdhar aynin diinta Islaamka iyo
dadka Sooman.
Af hayeenka ayaa sheegay in dawladda maraykanku ay taageero xoog leh
la garabjoogto dadka iyo dawladda Somalia iyo weliba hawlgalka
midawga afrika ee AMISOM , oo iyagu ka shaqaynaya sidii nabad loogu
soo dabaali lahaa Somalia.
PJ Crowley af hayeenka wasaardda arrimaha dibadda ee maraykanka ayaa
sheegay in uu aad ugu bogay iyada oo todobaadkan la filayo ciidamo
dheerad ah oo lagu xoojinayo AMISO M kuwaasi oo ka imanaya
Uganda.
Dhinaca kalena la taliyaha madaxweynaha maraykanka ee dhinaca la
dagaalanka argagixisa da John Bernan ayaa si aad ah u
cambaareeyay qaraxii Hutel Muna :
La taliyaha madaxweynaha Maraykanka ee la dagaalanka aragagxisada
John Bernan ayaa sidoo kale sheegay in Al Shabaab ay dhaqdhaqoodi
iyo hawlahoodii ku fidiyeen meelo ka baxsan Somalia, waxaana uu
xusay in dawladda Maraykanku ay kala shaqaynayso dawlado ku yaalla
Bariga Afrika sidii looga hortagi lahaa weerarada Al Shabaab.
Waxa kale oo uu xusay in ay ka war haleen in xubno ka tirsan al
Shabaab ay ay la shaqeyna yaan Al Qaacida sidii weeraro loo
fulin lahaa.
Gees kalena wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Augusine
Mahiga ayaa isag una war saxaafadeed uu magaalada Nairobi ka
soo saaray ku cambaareeyay weerarka koo xda al Shabaab ay
shalay ka fulisay Huteel Muna ee magaalada Muqdisho.
Wakiilaka Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sheegay in kooxda
weerarkaasi fulasay ay ugu talagashay in khasaaraha ugu badan ay
gaadhsiiso dad rayid ah oo aan waxba galab san.
Waxaana uu intaasi raaciyay in dadaalka lagu doonayo nabadda Somalia
uu socon doono, isaga oo tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay u
haraaddantahay nabad .
Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay falalka noocan oo kale ah
ee waliba lagu soo beegayo, Bisha Barakaysan , aya ku dhiiri galin
doonto dhamaan Saaxiibada Somalia in ay soo dedejiyaan taageerada
lagu nabadaynao Somalia.
Source:VOA
|