Mark Bowden oo Ka Hadlay 93 Mashruuc oo dalka Laga Hirgelinayo iyo Kulankii M/Kuxigeenka
 


Hargeysa (TNN)- Iskuduwaha deeqaha ahna xidhiidhiyaha Ha’;yadaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mark Bowden iyo wefti uu hoggaaminayay oo socdaal ku yimid dalka ayaa tafaasiil ka bixiyay kulan uu maanta la yeeshay ku simaha Madaxweynaha ah na Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Mark Bowden oo kulankaasi ka dib saxaafada u waramayay ayaa sheegay inay Madaxweyne Ku xigeenka ka wada hadleen wax ka qabashada abaaraha , waxaanu yidhi “Waxaan kulan la yees hay Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka qorshaqynta, Madaxtooyadda iyo qaar kale oo ka tirs an wakiilada wasiirada xukuumada iyo qaybo ka mid ah guddida Abaaraha waxaanu isla falan qa ynay sidii looga jawaabi lahaa Abaaraha hadda jira iyo qorshaha sanadka soo socda in Qarama da Midoobay ay taageerto guddida Abaaraha Qaranka .”

Mark Bowden waxa uu sheegay inay Somaliland ka taageerayso sidii loo samay lahaa xarun di gniino ka bixisa “Si masiibooyinka iyo arrimaha khatarta ah loo maamulo sanadaha soo socda.W axaanu rajaynaynaa in ay bilaabmaan bisha January ee sanadka dambe, qorshe Somaliland u ogolaanaysa inay yeelato goob ka hor tagta oo digniino ka bixisa oo maamusha abaaraha ka d haca Somaliland jawaabna ka bixisa.”

“Sidoo kalena waxa ay noqon doontaa mid diirada saarta ama koox balaadhisa sanadada soo s ocda, taasina ay tahay waxa isku kaaya xidhaya barnaamijyada aanu bilaabayno badhtamaha bisha December,”ayuu yidhi Mr. Bowden.

“Waxaana jiri doona 93 Mashruuc oo Somaliland laga hirgalinayo kaas oo si adag diirada u saa raya Beeraha iyo dhinaca horumarinta hab nololeedka dadka,”ayuu yidhi Iskuduwaha aadamini mo iyo xidhiidhiyaha Ha’yadaha qaramada midoobay.

Xidhiidhiyaha Ha’yadaha qarammadda midoobay ee Somaliland/Somalia waxa uu sheegay inuu deeqbixiyeyaasha kala hadli doono maal gelinta mashaariicda mudada dheer ee Somaliland isa goo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Marka aan ku noqdo Nairobi waxaan filayaa inaan la kulmi doono oo aan kala hadli doono deeqbixiyeyaasha muhiimada taageerada waxqabadyada wakhtiga dheer ee Somaliland, taas oo ku taxaluqda heerka dhaqaalaha xoolo dhaqatada iyo in la siiyo daryeel dadka ka soo barakacay Abaaraha iyo in Abaaraha ku sii kordhaya Somaliland wax laga qabto todobanka sanadood ee soo socda”.
Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo xukuumaddu ka soo saartay kulankii Madaxweyne Ku xige enku la yeeshay weftigaasi.

Madaxweyne Ku Xigeenka waxa kulankaasi ku weheliyay Wasiiradda Qorshaynta Qaranka Md. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.


Source:SO