"markaanu shalay kulmiye ahayn ee aanu lahayn hadii aad door ataan (siilaanyo)waxyaabo badan ayuu idiin qaban doonaaye ,waa kuwan dhalinyaradii aanu lahayn udubway tagaysaaye ha tahriibin walaal meeday," Mujaahid xasan guure

 


Hargaysa (TNN):-Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa ka hadlay safarka madaxweynaha ee uu ku marayo qaar ka mid ah gobolada dalka Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu ka hadlay qodobo la xidhiidha xaalada dalka.

Ugu horayn gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland mujaahid Xasan Guu re Jaamac oo ka hadlaya socdaalka uu madaxweynuhu ku marayo gobolada bariga iyo jawaabta ka ti mid hadalkii uu ku sheegay in masuuliyiinta qaranku ay faaruqiyeen magaalo madaxda dalka ayaa waxa uu yidhi “socdaalkii uu madaxweynuhu ugu baxay gobolada dalka waxa la hadal hayey eray aan idhi ka as oo ahaa inay ka wada maqan yihiin xaruntii dalka, maamulkii madaxtooyada iyo dawladu waxay leed ahay baratakool ah madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, waana inay cidi joogta xarunta dawlada, wadan waliba waxa uu leeyahay xarun awooda iyo magaca dawladnimadana meel ayaa loo sameeyey oo waxaynu nidhaahnaa madaxtooyada, markaa mar walba in cidi joogta madaxtooyada oo la hela mee l mar walba warka laga soo gaadhsiiyo mana aha in lays waydiiyo meesha uu madaxweynuhu joogo, wa xba la yaabi maayo oo waxba u macnayn maayo waayo malaa dadka aanu la hadlayno ayaaban miyir q abin, ilaa iyo Ramadaan waxaanu isku haysanay eray gole la yidhaahdaa waa sharci iyo sharci maaha”

Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Xasan Guure Jaamac oo ka hadl aya waxyaalaha kalifaya inuu madaxweynuhu ka hor yimaado wada tashiga ay ku dhawaaqayaan, wax aanu tilmaamay in wada tashiga ay ka doonayaan madaxweynaha ay doonayaan in laysku waydiiyo bal amihii ay shacabka u qaadeen wakhtigii ololaha doorashada, isaga oo tilmaamay in wali lagu sugayo wa x qabadkii ay umada u sheegeen waxaanu yidhi ?wax la qarinayo ayaa jira oo laga gubanayo wax aynu is waydiino ayeynu nidhi ee maxaad ku diideen waxaynu wada leenahay maaha inaanu ku waydiino ree rkaaga,adhigaaga iyo gurigaaga ee waxaynu ka wada hadlaynaa wixii umadani kuu dhiibatay, waxaynu ka wada hadlaynaa wixii aanu dadka u sheegnay markaanu shalay Kulmiye ahayn ee aanu lahayn hadd ii aad doorataan madaxweynaha waxaas ayuu qabayaa, waana kuwan dhalinyaradii aanu lahayn Udub way tagaysaa ha tahriibin walaal meeday maanta, inta uu aniga ii jawaabayo waxa looga fadhiyaa inuu ka jawaabo balankii uu dadka u qaaday, dadkana balan ayeynu u qaadnay balankiina waa laynaga sug ayaa oo suuqa ayaa nalagu waydiiyaa, tiina hadii aynu maanta is weydiino ileen kaligaa laguma doora ne maxaad uga gubanaysaa” Ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wada tashigu. Gudoomiye Xasan Guure oo ka hadlaya taariikhda ay soo wada qaateen madaxweynaha iyo ololaha ay u soo galeen sidii ay u saari lahaayeen kursiga dalka ugu sareeya ayaa waxa uu ka waramaya abaalka madaxweynaha iyo aqoonta uu u leeyahay waxaanu yidhi ?

Aniga bari hore ayaa lay waydiiyey abaalka madaxweynaha waxaan idhi sodon sanadood oo aanu mad axweynaha isku jabhad ahayn waxa dhaanta sadex cisho aanu xirsi isku jabhad noqon lahayn, ninkaas dadku ka cabanayo, waxaanan qabaa inuu yahay tiirka uu ku taagan yahay haddii uu caawa ka hoos dhaqaaqana inay ku dumayso ayaan qabaa, markaa abaal la,aanta waanu ku naqaanee oohinta badan ayaanaan ka filayn, sodon sanadood waxa uu noogu ooyey kursiga I saara oo habeen iyo maalin jiif iyo joogba noo diiday, maantana waxa uu leeyahay waar hay soo eegina oo hayla hadline, waar mar walba ha ooyine marka aad dhulka joogtana ha ooyin marka aanu ku saarnana ha ooyin, waar iska abaal laaw oo oohinta naga daa oo waxa lagu waydiinayo saani uga jawaab haddii aanay jirin wax aad qarinayso, sidii aynu shalayto u wada hadlaynay noola hadal oo yaanan bahalo kula noqonin saaxiibadii shalay aya anu nahay, waxaynu saaxiib ku ahayn maaha inaad meesha fuusho balse inaad umada wax u qabato ay ey ahayd inaad dhalinyarada wax u qabato ayey ahayd ee aniga hay jawaabin”Ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku
 

Timacade News Desk