“Markii aan arkay Madaxweyne Silaanyo waan ooyay oo waxa an xasuustay Aabahay Fagadhe,” Amaal Maxamuud Saalax Fagadhe

 


Hargaysa (TNN) :-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu Xafiiskiisi ku qaabilay Amal Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo aabaheed hore xilal ka la duwan uga soo qabtay Somaliland.

Amal Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe oo ay da’deedu tahay 15-jir oo wakhtigan degen dalka Sw eden oo fasax ku joogta Somaliland,ayaa waxay kulankaasi ku tilmaantay inuu farxad iyo qiimo gaara u sameeyey, isla markaana markii ay aragtay Madaxweyne Siilaanyo ay ooyday iyada oo soo xasuusatay Aabaheed Marxuum Saalax Nuur Fagadhe oo ay Saaxibo dhow ahaayeen. Sidaa waxay Amal Fagadhe ku sheegtay mar ay maanta u waramaysay Weriye Mustafe-Janaale oo ka tirsan Bahda Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Amal Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe oo ka hadlaysa kulankii ay madaxweynaha Somaliland Axm ed Siilaanyo la yeelatay iyo dareenkeeda ayaa waxay tidhi “Aniga oo ah Amal Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe, ayaa waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay shalay oo Salaasa, taariikhduna ahayd 11/8/2015 uu qasriga Madaxtooyada Somaliland uu igu qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay aabay Marxuum Fagadhe Saaxibo dhow isku ahaa yeen,kulankaasi waxa uu ii ahaa kulan taariikhiya oo I soo xasuusiyay yaareyntaydii oo aan arki jirey aabahay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo wada socda,marka uu Siilaanyo I arko waxa uu I taa ban jirey Madaxa isaga oo ii ahaa aabahayga labaad.

Maantana isaga oo Madaxweyne ka ah Somaliland inaan arko qiimo-weyn iyo farxad ayay ii taha y, markii aan arkay Madaxweyne Siilaanyo waan ooyay oo waxaan soo xasuustay aabahay oo ku geeriyooday 2009-kii dalka Faransiiska ILAAHAY ha u naxariisto.


Sida uu ii qiimeeyey Madaxweyne Siilaanyo ee uu wakhtigiisa qaaliga ah Ii siiyay waan uga maha d-celinayaa, waxaanan ILAAHAY uga baryayaa Cimri dherer iyo Caafimaad qab ku waaro. Waxaana kulankan igu wehelinayay Hooyaday Caasha Buraale, Habaryartay Iimaan Cashara, Waxaanan u mahad-celinayaa Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo isagu kulankan ka soo shaqeeyey.”

Sidoo Kale, Amal Fagadhe waxay u mahad-celisay Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Aami na-Weris iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay ku tilmaantay inay ku soo dhaweeyeen Somaliland.

Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) ayaa waxa uu ku geeriyooday dalka Faransiiska sanadii 2009-kii wakhtigaas oo uu ahaa Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska, waxa uu hore u soo qabtay Xilalka Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, waxa kale oo uu noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, waxa kale oo uu noqday Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE.

Source: Somaliland Today