Marwada koowaad Ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde Oo Booqatay Cisbitaalka Wayn Ee Magalada Hargeysa

 

 


Marwadda ayaa gudoonsiisay maamulka cisbitaalaka deeq xoolo nool ah.........


Hargeysa (TNN):-Marwada koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, waxa ay maanta booqasho iyo deeqba ugu tagtay Bukaan-jiif Dhakhtarka Guud ee cisbitaalaka Hargeysa marwada oo ka duulaysa Duruufaha ka jira Cusbitalka waxa ay soo kormeertay Qaybta Dadka Dhimirka ka xanuunsanaya, Waadhadhka kala duwan ee Dhakhtarka iyada oo bukaanka oo ay mid mid u soo dul martay uguna ducaysay in alle ka dulqaado Xanuunka haya Bishaa ramadaan ee gobogabada ah awgeed.

Marwada ayaa deeqdan xoolaha oo tiradoodu gaadhaysay labaatameeyo neef oo adhi ah oo loogu tallo galay dadka bukaan jiifka cisbitaalkaasi gudoonsiisay agaasimaha cisbitaalka.

Agaasimaha cisbitaalka guud Axmed Cumar Askar oo marwada ka gudoomay deeqdaasi ayaa warbixin kooban oo uu siiyey waxa uu sheegay in cisbitaalka uu ka socdo adeeg hufan isla markaana ay wax badan ku soo kordhiyeen mudadii koobnayd ee mas’uul;iyadiisa hayeen, halka sidoo kalena uu marwada uga mahadnaqay deeqdan bani’aadanimo ee ay soo gaadhsiisay dadka bukaan jiifka ah ee cisbitaalka yaalla.

Marwada madaxweynaha oo kormeerkeeda cisbitaalka ay ku wehelinayeen masuuliyiin ay mid mid ahaeen wasiirada wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam C abdi Aadan iyo wasiirada Deegaanka iyo horumarinta reermiyiga marwo Shugri Xaaji Baan daray ayaa dhamaantood kormeer ku maray qaybaha waadhadhka ee cisbitaalka guud iyo cisbitaalka caruurta ee Dr.Maxamed Aadan Sheekh.
 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliand