Marwada koowaad ee Madaxweynaha oo deeq gaadhsiisay xarunta Agoomaha, xadhigana ka jartay dhisme cusub oo lagu kordhiyay xaruntaasi



Hargeysa September 6, 2010 (TNN)- Marwada koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyada  So maliland ayaa maanta ka qayb gashay Munaasibadan lacag iyo dhar lagu gudoonsiinayay isla markaana xadhiga lagaga jarayay dhisme cusub oo lagu daray xarunta Agoomaha ee  Magaal ada Hargeysa.

Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Marwada Madaxweynaha, Wasiirka  Waxbarash ada, Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Xarunta Agoomaha oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay duruufaha kala  d uwan ee haysta xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa isagoo bulshadana ugu baaqay inay wax lagala qabto loona gargaaro caruurtaasi dhibaatadu haysato.

Wasiirada Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa iyadu ka sheekaysay duruufaha kala duwan ee haysta xaruntaasi, waxaana ay tilmaamtay in loo baahan in wax loo qabto  xar unta Agoomaha iyadu ay gudoonsiinaysay 2500-dollar oo ay ka soo ururisay dadka ku  dhaq an dalka dibadiisa ee Reer Somaliland.

Marwada Madaxweynaha Aamina Warsi Sheekh Maxamed Jirde ayaa iyadu ka dhawaajisay  in ay sido isla markaana xaruntaasi gudoonsiinayso 150-caruur ah dharkii ay ku ciidi lahaayeen, waxaanay ka dhawaajisay inay kafaalo qaadayso laba caruur, waxaanay ugu baaqay guud  a haan shacabka Somaliland in guntiga dhiisha layskaga sidii wax loogu qaban lahaa caruurtaasi iyadoo u mahadcelisay guud ahaan dadkii gacanta ka gaystay caawinta caruurtaasi yar yare e ku dhaqan xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa.



Source:HCTV