Marwada Koowaad Oo Dhagax Dhigtay Xarun Lagu Daryeeli Doono Dadka Qaba Xanuunadda Maskaxda
 



Doorka Marwadda Koowaad ee Qorshaha Qarramadda Afrika kula dirirayaan badbaadinta Hooya da iyo Dhalaanka 

Hargeysa (TNN):- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamin-waris)ayaa maanta dhagax dhigtay Xarun Caafimaad iyo daryeel oo lagu xannaanayn doono dadk a ka xannuunsanaya Maskaxda oo laga hirgalinayo Xaafadda Masalaha ee Caasimadda Hargeysa.

Munaasibad loo sameeyay dhagax dhigga iyo bilowga dhismaha Xaruntan oo maanta lagu dhagax dhigay waxa kale oo ka soo qayb galay,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Xag lotoosiye,Maayar ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Cagawayne iyo Haweenka Xarun tan dhiskeeda iyo kharashkeedaba kafoolo qaaday ee Haweenka Gaaroodi.

Marwo Aamina-waris oo munaasibaddii ay ku dhagax dhigaysay Xaruntan,ayaa ku ammaantay ge esinimada iyo dhiiranaanta ay muujiyeen Haweenka Gaaroodi oo gartay in ay dhisaan xarun caafi maad oo lagu daryeelo dadka qaba xanuunadda maskaxda isla markaana ballan-qaadaay dhaqaala ha ku baxaya daryeelkooda,waxaanay ballan qaaday in ay wax kasta oo awoodeeda ahna la qaba n doonto oo ay gacan ka geysan doonto daryeelka Xaruntu u samaynayso dadkeenna Maskaxda ka xanuunsanaya oo ay sheegtay in ay waajib qof kasta oo kari karaba ay ku tahay in uu gacan ka geysto isla markaana ay yihiin waxyaabaha ajarka ALLE-na lagu helo.

Dhinaca kale Marwada Qaranka ayaa Somaliland wakiil uga ah barnaamijka ka hor tagga iyo yaray nta dhimashada Hooyada iyo dhallaanka oo ay ku midoobeen dalal ka mid ah Qaaradda Afrika, wa xaana ururkan hormuud u ah oo arrimhiisa ka shaqeeya haldoorka Haweenka Qaaradda sida Marw ada Qaranka Somaliland Marwo Aamina Waris oo ka qayb gashay shirwaynihii koobaad ee ururka lagu magacaabo CARMMA lagu aasasay. Waxaa war-safadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooya da Somaliland oo lagaga hadlayay Ururka CARMMA waxyaabaha uu bulshiiyinkiisa u qabto iyo qof ka Somaliland wakiilka uga ah ayaa u dhignaa sidan.
.
“Ololaha Dardar-gelinta yareynta/Hoos- u dhiga Dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka Africa (CAR MMA). Jamhuuriyada Somaliland ayaa kaalinteeda kaga biirtay daah-furka Ololaha CARMMA ee uj eedadiisu tahay hoos-udhiga dhimashada hooyada dhalaysa/dhashay iyo caruurta yaryar iyo gu ud ahaan tayeeynta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka si markaas dar-dar loo geliyo ololaha oo wax lagaga bedelaayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka oo war-bixinteedu sheegayso mudadii 2011-kii ilaa 2013-kii in lagu qiyaasay 100.000 oo dhalasho ay geeriyoodaan 850 ka mid ahi (WHO UNFPA and UNICEF).

Ololahan CARMMA ayaa ah mid ay isku bahaysteen wadamada Afrika si dar-dar loo geliyo hoos ud higa dhimashada hooyada xaamilada ah ama tan dhashay iyo caruurta yaryar oo markaa lagu wa do in hoos loo dhigo boqolkiiba shan iyo todobaatan sanadka 2015 iyadoo markaa la waafaqsiina ayo rajadan ta hiigsiga loo yaqaan Millennium Development goal 4 iyo 5.
DSC_0003

Ololaha CARMMA waxa si rasmi ah loo daah furay 7dii bishii may ee sanadkii 2009 iyadoo lagu daah furay kulankii afraad ee wasiirada caafimaadka uga furmay shirkii isu taga wadama afrika (AU) uga qabsoomay magaalada Adis-ababa.

Ujeedada kulankaasi lagu daah furay ololaha CARMMA ayaa ahaa mid lagu hirgelinaayo qorshihii ma Maputo ee dhaqan gelinta hoos u dhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka reer afrika. qorshahan oo ahaa mid ay ansixiyeen wasiirada caafimaadka dalalka afrika ee kulankoodu ka qabs oomay dalka Mozambique bishii September ee sanadkii 2006.

19 kii bishii September ee sanadkii 2014kii ayaa huteelka maansoor lagu soo bandhigay ololaha CA RMMA iyo kaalinta ay jamhuuriyada Somaliland ka qaadanayso goobtaas oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 500 oo qof kana socday dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Waxaa marti-sharaf ka ahayd bandhigaas ama daah furkaasi marwada koowaad ee jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, marwada ayaa markaasi khudbadeedii ku muuji say kaalinta ay xukuumadu ka qaadanayso ololahan iyo sida ay uga dhabtahay inay ololahan ka midho dhaliyaan.


Ololaha CARRMA ayaa xooga saaraya afartan qodob

1. Xoojinta hawlaha joogtada ah ee lagu tayeynaayo daryeelka caafimaadka hooyada iyi dhalaanka somaliland


2. Soo saarista iyo isticmaalka warbixinta caafimaadka guud, da’yarta, hooyada, dhalaanka yaryar, iyo caruurta oo markaa fiiro gaara la siinaayo, dhimashada hooyada xaamilada ah/dhalaysa iyo dhalaanka yar yar, caafimaadka iyo xuquuqda da’yarta, la dagaalanka tacadiyada sababi kara caafimaad daro.


3. u ololaynta taageerada daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka yaryar oo laga dhex ololaynayo daneeyayaasha sida xukuumada tiiyoo la dareensiinaayo in qofkastaa door ku leeyaha y inuu buuxiyo daryeelka caafimaadka iyo hoos-udhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka yaryar


4. dardar gelinta hawlaha hoos lagu dhigaayo dhimashada hooyada xaamilada ah ama dhashay iyo dhalaanka yaryar iyo caruurta
Wakiilka ololaha CARMMA ee Jamhuuriyada Somaliland Marwada koowaad ee Jamhuuriyada Somalil and ayaa UNFPA u xilsaartay wakiilnimada ololaha CARMMA.

Ololahan waxa gadhwadeen ama wakiilo ka noqday haweenka door ka mudan kagana jira bulshoo yinkooda sida marwooyinka koowaad ama haweenka wasiirada ah.
Marwada ayaa doorka ay ku leedahay oloalahani yahay mid dhiirigelinaaya dhinaca siyaasada xukuumada ee arrimaha hooyada iyo dhalaanka, dhinaca xeerka iyo xuquuqda hooyada iyo dhalaanka, iyo gebi ahaanba tayeynta iyo daryeelka arrimaha haweenka iyo caruurta.”

Source: Somaliland.Org