Marwada Koowaad Oo Sheegtay Inay Isu Xil-saartay Taageerada Bulshada Nugul



 

Gabiley (TNN)- Marwada koowaad ee Somaliland marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde  (Aam ina Weris) ayaa maanta booqatay magaalada Gebilay ee xarunta gobolka cusub ee Gabiley, h alkaasi oo ay geysay deeq kabo ah oo ay ugu talo gashay caruurta ku jirta xarunta  agoom aha ee magaalada Gabiley.

Marwada Madaxwaynuhu waxa ay sheegtay in ay isu xilsaartay wax u qabashada iyo  daryee lka qaybaha bulshada ee nugul, sida agoomaha iyo naafada oo ay sheegtay in ay saaran  yih iin culaysyo iyo duruufo nololeed oo ka duwan bulshada inteeda kale.

Marwadu waxay ku baaqday in ganacsatada iyo Hay’adduhu ay taageeraan xarumaha  agoo maha iyo naadafada ee dalka iyada oo balan qaaday in dhinaca xukuumadda wixii kaga xidhan ay iyadu dedaal u geli doonto sidii wax loogu qaban lahaa bulshada qaybaheeda jilicsan.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare marwo Samsam Cabdi Aadan oo ku  wehe lisay booqashadaas marwada koowaad ayaa sheegtay in ay xarunta agoomaha ee Gabiley ku kordhin doonto dhisme cusub, waxaanay balan qaaday in ay macalimiinta ka hawl gala  xarun tan ay wasaaraddeedu siin doonto mushaharka.

Dhinaca kale waxa xafladdaasi kaga dhawaaqay in uu xarun ballaadhan u dhisayo agoomaha Gabiley ganacsadaha aadka ugu jajaban taageerada adeegyada bulshada ee Axmed Daahir Baxsane. Waxa kale oo uu ugu deeqay Raashin kaalmo ah.

Waxa xafladdaasi ka hadlay oo warbixin ka siiyay duruufaha nololeed ee ka jira maamulaha  x arunta agoomaha Gabiley Marwo Safiya Aadan Meecaad oo marwada koowaad uga mahad celisay deeqda kabaha ah ee ay u keentay caruunta agoomaha ah.


 


Source:Somaliland.org