marwada madaxweynaha jsl aamina sh.maxamed jirde iyo waf ti balaadhan oo ay  hogaamin ayso ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyaya degmada salaxle

 


Salaxley (TNN):- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxame d Jirde iyo wefti balaadhan oo ay hogaaminayso ayaa maanta waxa ay ka qaybgaleen xaflad balaad han oo ka dhacday degmada salaxlay. Xafladan oo ujeedadeedu ahayd sidii kor loogu qa adi lahaa tayada dhakhtarka salaxlay iyo Dugsiga Boodhinka ah ee Degmada Salaxlay halkaas oo maanta ay marwada madaxweynuhu gaadhsiisay cusbitalka deeq kala duwan oo ay ugu talo gas hay in lagu ka abo hawlahaasi iyo ta umulisooyinkaba, waxaanay deeqdaasi oo ka kooban qaybah a kala duwan ee daruuriga ah balse ay ugu sii muhiimsanaayeen 50 bustaha dhaxanta ah iyo $3000 oo Dollar oo mad axweynuhu ugu talay in lagu kaabo baahiyaha dugsiga boodhinka ah ee degmada salaxlay.

Lacagtaasi oo ay wasiirka waxbarashada marwo samsam cabdi aadan ay ku wareejiysey ururka de gmada salaxlay ee loo yaqaan Gaaroodi.Dhinaca kalena waxa marwada madaxweynuhu ay hay’adda bisha cas ka gudoontay dawooyin aad u qaali ah oo isugu jira qalabka dhiciska lagu koriyo iyo kuwa qaliinada degdega ah loo adeegsado oo loogu talo galay in dhakhtarka lagu horumariyo iyo Gaadhi Ambulance ah oo model kiisu yahay 2013 kaasi oo cusayb ah KM kiisuna uu socday uun inta u dhaxa ysa berbera iyo salaxlay oo keliya hay’adduna ay toos uga qalbatay shirkada baabuurta ee TOYATA dawooyinka iyo gaadhigan oo qiimahoodu uu ku joogo $79,454 lacagta lo yaqaan usa dollar.

Intaasi ka dib waxa halkaasi ay marwadu ku wareejisay gaadhigaasi isla maamulka degmada iyo ku wa dhakhtarka oo goobjoog ahaa dhamaantood sidoo kalena waxa halkaasi hadalo mahadnaq ah ka soo jeediyey masuuliyiinta iyo madaxdhaqameedka degmada salaxlay

marwada ayaa waxa waftiga ay hogaaminayso ka mid ahaa wasiirka wasaarada warfaafinta c/laahi maxaed daaahir cukuse wasirka wasaarada waxbarashada samsam cadbi aadan wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka nimco xuseen qawdhan iyo masuuliyiin aad u tira badan .
 


Timacade News Desk
Salaxley,Somaliland