Marwada Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo lagu dilay Magaalada Garoowe

 


Garoowe (TNN):-Waxaa Magaalada Garoowe, ee Xarunta Maamulka Puntland lagu dilay Amina Abiib Cilmi, oo ahayd marwada Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdriraxma an Maxamed Maxamuud (Faroole).

Sida wararka aanu ka helnay dadka degaanku shegayaan,marxumada Amina Abiib Cilmi, ayaa waxaa dilay Wiil ay dhashay, laguna magacaabo Cumar Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

Ciidamada Nabad gelyada Puntland ,oo gaadhay goobta uu dilku ka dhacay, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen Cumar Cabdiraxmaan, waxaana lagu xiray saldhig ku yaala Mag aalada Garoowe.

Ilaa iyo hadda si buuxdo looma garanayo waxa keenay in Cumar uu hooyadii uu rasaas ku dilo, hase ahaatee laamaha ammaanka ee magaalada Garoowe, ayaa baaritaano la xiriira wada.Dhacdadan ayaa  si weyn looga hadal hayaa guud ahaan magaalada Garoo we ee Gobolka Nugaal.