Marwadda Koowaad Oo Agab Kala Duwan Gaadh Siisay Cisbitaalka Hargeysa




Hargeysa (TNN):-Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa maa nta agab kala duwan u qaybisay Xarumaha Caafimaadka ee Sheekh Cumar, iyo Dhak htarka weyn ga ar ahaan qaybta caruurta aan gaadhin wakhtigii ay ku dhalan lahaayeen bal se ka soo hormaray 9-ka bilood. qalabkaasi oo isugu jiray mid casriya oo lagu korin doono ca ruurtaasi, dawooyin iyo Sarii ro Casriya, ka dib markii ay maamulka xarumahaasi marwada u gudbiyeen baahiyahooda.

Marwada koowaad oo ka jawaabaysa Baahiyahaasi, kaashanaysana Hay’adda UNFPA, oo ma rwada u dooratay inay Wakiil buuxa uga noqoto Ololaha yaraynta ama dabargoynta ummul raaca Afrika oo loo soo gaabiyo CARMMA.



Sidoo kale Marwada koowaad ee Somaliland waxay kormeer ku soo martay cusbitaalka guud ee Har geysa, gaar ahaan qaybta degdega ah (Emergency) ee hada loogu shaqeeyo dhakht arka weyn, ba lse la damacsan yahay in loo dhiso qayb weyn oo ay maanta dhagax dhigeen Wasiirka caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagtlatoosiye) iyo Marwada koowaad, maalgelintiisana ay gacan ka geys anayaan Shirkada Telesom iyo Dahabshil, halka aanay xukuumaduna ka maqnayn iyo Ganacsadada kaleba.