Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Talo-du Way Seegtay Oo Ay Ka
Simbiidhay!
Kaftan-ba ha ahaato iyo iska mala-awaale waxa la yidhaa; ''Dumarku
Cidna/qolona ma ah a'', waxa kale oo ku jirta maahmaahaha iyo murtida
dhaxal galka ah ee ay leeyihiin Somalila nders-ku, '' Dumarku tag bay
leeyihiin ee Tol ma leh''. Yaab. Qodhaa iyo xeradaa tii uun baa
maanta meel dhaw fudh igaga soo tidhi! Magacaabbista Marwo, Foosiya
Yuusuf X. Aadan ee wasiirka arimaha dibada ee WALWA-WAYNTA waan ka
naxay! Sababtu waa tan hoosta ku qoran ee ka bogo.
Aduunyadan qasantay ee is-dhalanrogtay waxyaalo badan ayaan filayay
inay suurtoobi karaan hase-yeeshee midbaanan meeshaba soo dhigan!
Waxa aan marna maskaxdayda ku soo dhicin in dumar badan oo aad qaali
u ah oo reer Somaliland ah oo uu Ilaahay inagu galaday oo ay ka mid
yihiin;
1; Marwo, Edna Aadan Ismaaciil
2; Marwo, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
3; Marwo, Raaqiya Oomaar
4; iyo...iyo...
Ay dumarkaasi marnaba iyo sinaba dalkooda hooyo ee Somaliland ee
tacab iyo rafaad la ogyahay loo soo galay ku wacad-furayaan marnaba
cindigayga may galin! Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo hadaba
dumarkaa aan dusha ku soo sheegay ka mid ahi ma aha qofkii u
horeeyay ee reer Somaliland ah ee ay Maamul ku sheegyada aduunyadu
Wala-waynta u dhoob-dhootaa, ay magac madhan u-dhiibaan iyaga oo
raba inay ku shaasheeyaan qaranka Somaliland, rag badan ayaa jiray
oo soo maray meeshaa oo ay aakhirkiina jaci ka raacday, waxase ay
tahay Foosiyi Hooyadii ama Gabadhii u horaysay ee yeesha in cadawga
Somaliland uu dadkeeda (somalilanders) u soo adeegsado iyada oo og
in u-jeedada u wayn ee loo siiyay wasiirka wasaarada arimaha dibadu
ay tahay sidii looga dhigi lahaa qadiyada Somaliland mid dadkeediiba
ku kala qaybsan yihiin.
Waxan is lahaa Hablaha (haweenka) reer Somaliland iyaga oo hidahooda,
isirkooda iyo sooyaalkooda raacaya way ka gobsan yihiin wax hangool
u noqda nacabka isiriga ah ee dadkoodu leeyahay, waanse qaldanaa!
Han iyo hamo qofku inuu yeeshaa uu hiigsado gaadhitoonkoodu waa wax
dabiici ah, waxase ma huraan ah in doonistaadu ay xad yeelato, waa
in uu jiraa meel aanad dhaafi karin oo ku celisaa, oo aad adigu qof
ahaan is-tidhaa maya oo maya halkaa/waxaa yeeli maayo oo waa iga
Caariya! Waxa ka mid ah waxyaalaha qofka reer Somaliland ee dhabta
ah uu khadka casi ka marsan yahay ee ka xaaraanta ah, inuu dalka ay
Somaliland ka go'day ee Somalia uu dhankiisa soo maro oo uu la soo
sfato sababta ay doontoba ha ahaatee, oo uu ka soo horjeesto
jiritaanka qaran-nimada Somaliland.
Dadka reer Somaliland waxa ay u dagaalameen oo loo jaabay, kumanaan
rag ahi naftooda u quudheen inaan maxastoodu gacanta dad kale galin
ee ay xor ka ahaadaan, sidaa darteed, Foosiya Yuusuf X. Aadan,
falkaa ay samaysay awgeed waxa ay ku wacad-furtay intii Hooyo reer
Somaliland ahayd ee saygeedii la xasuuqay, curadeedii qoorta loo
dheereeyay, hablahoodii la faro-xumeeyay. Waa Cawo daro in Foosiya
oo haday doonayso inay cid caawiso oo ay wax u qabato dadkeedii iyo
dalkeeduba ay aad ugu baahan yihiin ku tiraabto hadalka ah '' waxan
rabaa inaan wax qabto, Somalia ayaana fursada i-siisay''!
Wax-qabashoda kursi uun kuma xidhna, awalba waa tii dadkeeda
caawinaysay ee sharaftana ku lahayd. Mida kale haday damac kursi
qabto sawtii u tartamaysay madaxwayne inay ka noqoto shalay
Somaliland, saw berina ma samayn karto yaa ka celinaya. Maxaa u
diiday inay haday wax qabanayso halkii hore uun ka sii wado
ololaheeda iyo gargaarkeeda oo ay dalkeeda Somaliland-na sida
muwaadiniinta kale ee badaniba ugu halgamayaan iyaduna dhankeeeda ka
gasho dagaalka loogu jiro ictiraafkiisa iyo horumarkiisa inta ay
cad-quudheed Walwaynta ka qaadanayso!
Gabo-gabo; Shakhsi ahaan uma weerarayo marwo Foosiya Yuusuf X.
Aadan, waxase ay tahay, XAALADAHA HAATAN TAAGAN IYO DURUUFAHA INAGU
GIBLAN DARTOOD halka ay gashay ayaa ah meel aan qodhaa iyo xeradaa u
qaadi waayay gabadh loo hanwaynaa oo reer Somaliland ah. Si
kastabase ha ahaatee, ''nin durbaan qaatay ilaaq dalbay ayaa la
yidhi ee xilka loo magacaabay ee ay ogolaatay ayaa keenay inan ana
aragtidayda cabiro! Ninkii Somaliland aaminsan uun baa ii xigto ah
aniga.
F.G; Raga reer Somaliland ayaa lagu yaqaan qaarkood in aanay waxba u
tudhine dumarkoow is-dabaqabateeya oo ka sariigta waxii dalkiina
Somaliland wax u dhimaya, jaadka uu doono ha lahaadee.
Ha Jirto Somaliland Oo Ha Joogto WELIGEED.
Cali Cumar Xasan |