Xukuumadda Somaliland Oo Caddaysay Inay Diyaar Ka Tahay Kharashkii
Doorashooyinku
Hargeysa(TNN):– Wasiirka wasaaradda
maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aa dan, ayaa sheegtay in
xukuumad ahaan ay diyaariyeen kharashaadkii loogu tallo galay
doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiiladda ee la filayo in ay dalka
ka qabsoomaan sannadka 2017-ka.
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sidaasi ka sheegtay kulan ay
maalintii Isniinta la yeelatay laba wefti oo kala socday dalalka
Maraykanka iyo Ingiirska, kuwaasi oo Xukuu madda ka taageera
barnaamijka dib u habayta cashuuraha iyo nidaamka maaliyadeed ee
Somaliland, iyo weliba mashaariic badan oo ay ka mid yihiin arrimaha
doorashooyinku.
Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan
ayaa kulan ka asi kadib la hadashay warbaahinta , waxaanay faahfaahin
ka bixisay waxyaabihii lagaga wada hadlay kulankaasi, waxaanay tidhi
“Waxaanu halkan laba shir kula galnay wefti ajaanib ah, kuwaasi oo
kala ah qolo Ingiriis ah oo nala wada barnaamijka dib u habaynta
cashuuraha iyo maaliyada Somaliland, kwaasi oo soo diray nin masuul
ah si uu u eego halka aanu marayno, waxyaabaha naga dhiman iyo
qaybaha la doonayo in la dedejiyo.”
Marrwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay intaasi ku dartay “Qolada kalena
waxay ahayd qolo ka socota Hay’adda Maraykanka ah ee USAID oo ay
gabadh madax ahi la socoto, oo iyagu aan dib u habaynta maaliyada oo
kaliya aan u socon ee doonaya in ay dedejiyaan qaybta kaga began dib
u habaynta maaliyada iyo caam ahaan Somaliland doorashooyinkeeda iyo
waxyaabah ay u qaban karaan oo dhan iyo sida ay inooga diyaar tahay
ayay naga waraysteen.”
Wasiirka maaliyadda Somaliland waxa ay intaa ku dartay “Runtii
labada hay’addoodba waanu u waranay si mug iyo miisaan leh, runtii
iyaguna si garawshiyo badan ayay aad ugu amaaneen Somaliland
waxyaabaha badan ee ay qabsatay ee ay ka mid tahay nabada intaa leeg
ee aynu haysano iyada oo dagaalo inagu dhaceen.”
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sheegtay in Somaliland ay qabsatay
waxyaabo badan oo ay ugu horrayso arrimaha nabadgelyada, waxaanay
tidhi “Somaliland waxyaa bo badan ayay qabsatay intii ay jirtay,
maanta wixii nalagu soo kordhiyaana waa wax naga dhinaa, sababta oo
ah Somaliland maaha meel maanta la odhanayo baahi wax wali ba way
jirtaa, ee wixii nala taraa waa wax naga dhinaa anaguna wax badan
ayaanu qab sanay. Waxaanay ahaayeen runtii dad u soo jeeda in
Somaliland ay wax la qabtaan.”
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sheegtay in Somaliland ay maanta
taagan tahay meel wanaagsan, isla markaana lagu halayn karo
doorashooyinka, waxaanay tidhi “Somaliland maanta meel wanaagsan
ayay taagan tahay oo doorashooyinkii la inagu halayn karo, lacagtii
doorashooyinkuna waa naga diraay, markaa doorashaduna inaga ayay dan
inoo tahay, markaa waa in aynu inaga oo gacmaha is haysana aynu
galnaa doorashada oo ka wada shaqaynaa.”
|