Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo Badhasaabka Gobolka To gdheer ku Wareejisay Deeq lacageed oo Ururka NOMAD soo Gaadhsiiyeen Dugsiga Dhagoolayaasha Burco.
 

 

 


Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiyo oo ka mid ah Masuuliyiinta ururka Nomad gaar ahaan Garabka Hooyo .... Sawirro

Hargeysa (TNN)-Garabka Haweenka ururka Nomad ee Wadanka Holland ayaa Maanta Deeq lacageed soo gaadhsiiyay Dugsiga Dhagoolayaasha Burco oo loo dhisayo Xarun rasmi ah oo ay Dhagoolayaashu wax ku bartaan.

Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiyo oo ka mid ah Masuuliyiinta ururka Nomad gaar ahaan Garabka Hooyo Waa lama huraan ee Fadhigiisu yahay Dalka holland ayaa si rasmi ah ugu Wareejisay Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar lacag dhan $3000 oo ay ugu talo galeen inay ugu tabarucaan Dhismaha Dugsiga Dhegoolayaasha ee Burco.


Wareejinta Deeqdan oo ka Dhacday Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa Goob joog ka ahaa, Maareeyaha Hay’adda Tayadda Siciid Saleebaan Mire, isuduwaha Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Gobolka Todheer Sahra Maxamed Xuseen (Basbaaso) iyo Gudoomiyaha ururka Haweenka Now ee Gobolka Togdheer Deeqa Cismaan Siciid.
Sahra Maxamed Xuseen (Basbaaso) oo Ayaa Masuuliyiinta u sharaxday Dhibaatada ka muu qata Dugsiga dhagoolayaasha Burco iyada oo sheegtay in dugsigu ku jiro dhismo kirro ah.


Marwo Xaliimo Cabdi oobsiiye oo wakiil ka ahayd haweenka qurbajooga ahee Dalka Holland gaar ahaan Ururka NOMAD Garabkiisa haweenka ee magaciisa la yidhaa “Hooyo waa Lama Huraan” ayaa ayaa iyaduna sheegtay in aanay markii ugu horeysay ahayn ee ururka uu wax ka geysto arrimahan oo kale balse waxan sannadkii hore deeqo lacageed iyo qalab ba ku wareejiyeen Cisbitaaladda dhimirka ee Berbera iyo Hargeysa.


Marwo Xaliimo waxay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer uga mahadcelisay soo dhoweynta diiran ee uu ugu sameeyey xafiiskiisa iyo gobolkaba, taasoo ay sheegtay in ay farxad gelisay markii ay la kulantay Soo dhoweyn heer sare ah iyo Gobolkii Togdheer oo ay timi.

Badhasabka GobolkaTogdheer Cabdo Axmed Aayir ayaa isna dhiniciisa ammaan balladhan iyo mahadnaq ba u jeediyey Xaliimo Cabdi Obsiiye oo ka wakiil ah haween qurbajoog reer Holand ah oo deeqdan lacagta ah iska so ururiyey iyo weliba guud ahaanba qurbajooga reer Somali land, wuxu xusay Badhasabku in Qurbajoogu ay yihiin Muwaadiniinta dhabta ah ee waddank an, maadaama bu yidhi ay si aanay kuwa gudaha joogaa u dareemin u dareeman kolba halkii dhibtu ka haysato Dadkii ay la dhasheen, waxa uu kula dardaarmay qurbajooga kale ee Som aliland inay ku daydaan haweenkan reer Holland oo ay marba halii baahidu ka jirto wax ka soo taraan, wuxu aad uga sheekeeyey sida ay qurbajoogu u dareemaan waddankooda mar ka ay joogaan waddan aanay u dhalaan.

 

 


Mustafe Cabdikarim Cali (Mustafe Future)
Timacade News Desk
Burco ,Somaliland