Baroordiiq

 


 


Cabdullaahi Maxamed Cumar iyo Xaaskiisa oo deggan dalka Ingiriisku, waxay tacsi tiiraan yo leh u dirayaan dhammaanba dadweynaha reer Somaliland iyo eheladii iyo asaxaabtii Alle ha u naxariistee, Koosaar Cabdullaahi Yaasiin.

Alle ha u naxariistee Koosaar Cabdullaahi Yaasiin waxannu isbaranay, sanadihii 2005-illaa bilowgii 2009kii. Xilligaasi oo ahaa xilli uu abtigay Axmed Muuse Geeddi ( Sanjab) xanuuns anayey oo uu cusbitaallo kala duduwan oo London ku yaalla galay.

Naxariistii janno Alle ha siiyo labadoodabee, Koosaar Cabdullaahi wuxu ahaa; ninka keliya ee hadh iyo habeenba duljoogi jirey abtigay Axmed Muuse- isla markaasina la macaamili jirey dhakhtaradii daweyn jirey abtigay!

Waxa kale oo uu Koosaar Cabdullaahi ahaa, ninka dhakhtarada ka soo qori jirey; waraaqaha fiisaha Ingiriisku ku siin jirey: walaaladay iyo aayaday Caasha Aadan Guuleed oo ka iman jirey Maraykanka- si ay u soo booqdaan abtigay Sanjab!

Jannatul Firdowsa Ilaahay ha geeyee, Koosaar Cabdullaahi Yaasiin wuxu ahaa; nin aad u naxariis badan, ehlu diin ah, caqli iyo aqoon badani ka muuqato oo kaftan badan.

Waxan aad u farxi jirey, marka aan arko Koosaar oo la jooga abtigay Axmed - labadooda ba Ilaahay ha u naxariistee. Waayo, kaftan iyo sheekooyin ay isla garanayaan ayay ka sheekaysan jireen inta ay wada joogaan- kuwaasi oo xanuunjabin (pain killers) u noqon jirey abtigay!
Haddaba aniga oo ku hadlaya magaca: reer Geeddi Ismaaciil iyo tafiirtooda oo dunida daa faheeda kala jooga, waxannu Ilaahay ka baryaynaa; in uu Koosaar Cabdullaahi geeyo jan nooyinkiisa hala ugu sarrayso.

Dhinaca kale, waxannu guud ahaan reer Cabdullaahi Yaasiin, gaar ahaanna xaaskiisii iyo carruurtiisaba la qaybsanaynaa; murugada ka dhalatay geerida Koosaar.

Waxannu ehelada Koosaar ka baxay xasuusinaynaa, in ay cuskadaan oo xasuustaan qawlka Ilaahay dadka mu'miniinta u jideeyey marka ay xaaladdan oo kale taagan tahay oo ah:


ٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَـٰبَتْهُم مُّصِيبَةٌ قَالُوٓا۟ إِنَّا لِلَّـهِ وَإِنَّآ إِلَيْهِ رَٰجِعُونَ ﴿١٥٦﴾ أُو۟لَـٰٓئِكَ عَلَيْهِمْ صَلَوَٰتٌ مِّن رَّبِّهِمْ