TACSI MADAXWEYNE

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Aadan Maxamed Wiilad oo ku geeriyooday 27/08.2014 Magaalada Hargeysa, laguna aasay.

Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qayb qaatay nabadayntii iyo dib u dhis kii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Dawladihii kala danbeeyey ee Somaliland, ma rkii ugu danbaysayna ahaa Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha, wakhtigii Daahir Rayaale kaah in xukunka hayey.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka war aabiyo, Dhammaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.