Marxuum cali sheekh maxamed jirde oo si heer qaran ah loo aasay

 


Mudo yar ka dib markii xabaasha la dhigay marxuumka ayaa waxaa ku curtay goobtii aasku ka socday Roob lagu diirsaday oo lagu qabawsay. Waxa munaasabadda ka hadlay madax sare.

Eng Cali sh, Maxamed Jirde oo 09/10/08 ku geeriyooday cusbataalka magaalada Hargaysa ayaa maanta oo jimce ah lagu aasay deegaanka DARIIQADA oo ah xaafad ka tirsan degmada Shiikh, aaska marxuunka ayaa waxa ka soo qaybgalay Wafti Xukuumada oo uu hogaaminayao M/weyne ku xigeenku,ayna weheliyaan Wasiirada Waxbarshada iyo Hawlaha guud,Axsaabta Mucaaridka,Hayadaha Samafalaka caalamiga iyo kuwa maxaliga iyo dadweyne fara badan badan oo ka kala yimi gobolada Dalka.

Maydka marxuumka oo abaaro 12:00pm soo gaadhay goobta xabaasha laga qoday oo ku taal xabaalaha DARIIQADA ayaa ugu horayn waxaa lagu soo rogay masaajid ku dhaw goobta xabaasha laga diyaariyey oo sida lasheegay ay ku aasanyihiin marxuumka eheladiisa qaarkamid ah,halkaasi oo salaatul jinaasadii lagaga tukaday marxuum cali jirde kadibna loodareeray dhankii ay xabaashu ahayd .

Mudo yar ka dib markii iillka xabaasha la dhigay Maydkii marxuunka oo laqaatay majarafadihii camuuda lagu rogilahaa ayaa waxaa ku curtay goobtii aasku kasocday Roob lagu diirsaday oo in kudhaw rubuc saac nahayey kaasi oo lagu qabawsay iyadoo maanta ay ahayd maalin roobaad oo jidka u dhexeeyaa shiikh ilaa burco uu roobku ishayey kadib aaskii marxuum cali waxaa hadalo kooban ka jeediyey madax kala diwan oo dhamaantood ku ammaanay cali jirde inuu ahaa Tiir uu kabaxay ummada s/land

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Md. Siciid Sulub Maxamed, oo isna ka hadlayey shakhsiyada marxuumka ayaa yidhi; "Wuxuu ahaa nin karti iyo raganimo u dhashay, wuxuu ahaa nin dulqaad badan oo run sheeg ah, waxanan xasuustaa muddadii lixda bilood ahayd ee uu nala shaqaynaayey wax qabadkiisii iyo talooyinkiisii, waa nin aan la ilaawi Karin".
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ay aqoon durugsan isku lahaayeen marxuumka, ayaa marxuumka ku tilmaamay shakhsi ku sifoobay wadaniyad, daacadnimo, deeqsinimo iyo dad la dhaqan, isla markaana u dhashay karti iyo hufnaan.

Waxa kale oo sooyaalkii marxuumka ka warramay xubno ay ka mid yihiin Muj. Cabdiraxmaa Aw Cali Faarax, Maxamed Kaahin Axmed, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, kuwaasoo wadajir ah u qiray taariikhdii wanaagsanayd ee marxuumka iyo wax-qabadkiisii.


Marxuun Cali Jirde,ayaa ahaa xiligan gudoomiyha Bisha cas ee Somaliland,Aaaska marxuunka ayaa u dhacay si heer Qaran ah.


 



Togdheernews