Marxuum Cumar Xuseen Ibraahin Lagu Aasi Doono Xabaalaha Jufadda
Maalinta Isniinta ee Bishu Tahay 20-8-2012
Gudoomiyhii Hore ee Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Dr.
Maxamed Aw Cali (Dr. Culimo) ayaa waxaa uu dhambaal wargalin ah soo
gaadhsiiyay xafiisyada Warbaahinta isagoo ku wargalinaya dhamaan
eheladii, asaxaabtii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay
Alleh ha u naxariistee marxuum Cumar Xuseen Ibraahin in maalinta
isniinta ee fooda inagusoo haysa maydkiisa la keeni doono dalka
isagoo sheegay in lagu aasi doono marxuumka xabaalaha jufadda ee
Gobolka Gabiley.
Marxuumka oo ahaa la taliyihii arimaha dhaqaalaha ee madaxwaynihii
hore ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Canada. Haddaba waxaa lagu
wargalinayaa eheladii, asaxaabtii iyo inta marxuumka magaciisa iyo
muuqiisa garanaysayba inay kasoo qayb galaan aaskiisa oo ka dhicid
doona xabaalaha Juffada ee gobolka Gabiley.
Ogaysiiska uu Nasoo gaadhsiiyay Dr. Culimo isagoo dhamaystiran waxaa
uu u dhignaa sidan:
" Dr. Mohamed Yusuf (Culimo) waxa uu ku wargelinayaa eheladii,
asxaabtii iyo bulshada reer Somaliland in Alle ha u naxariistee
maydka marxuun Xaaji Cumar Xuseen Ibraahim oo ahaa la taliyihii hore
ee madaxweynaha JSL ee arrimaha dhaqaalaha oo ku geeriyooday dalka
Canada la keeni doono dalka maalinta Axxada ah.
Marxuumka waxaa lagu aasi doona Xabaalaha Jufadda ee gobolka Gabiley
maalinta Isniinta ee bisu tahay 20/08/2012. Galinka hore,insha
Allah.
Hadda sidaa ha loola socdo.
Dr. Mohamed Yusuf Aw Cali (Culimo)
Addis Ababa.
Tell:00251911744608
|