TACSI MADAXWEYNE

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), wax a uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Xuseen Dheere oo ku geeriyooday 28/02.2014, wadanka Australia.

Marxuumka oo Hormood ka ahaa Aas-aasayaashii SNM, waxa uu door muhiima ka qa atay dib u dhiska dalka, iyo nabadayntii beelaha wadadega Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka wa raabiyo, Dhammaan reer Cabdiqaadir Faarax, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.