TACSI MADAXWEYNE

 



Madaxweyne axmed SiilaanyoMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, A xmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asx aabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo ku geeriyooday 23/03.2014, Magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir muhiim ah oo ka baxay gobol ka togdheer iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa odayaas hii ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.