TACSI ٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَـٰبَتْهُم مُّصِيبَةٌ قَالُوٓا۟ إِنَّا لِلَّـهِ وَإِنَّآ إِلَيْهِ رَٰجِعُونَ

 

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar oo deggan magaalada Bolton ee dalka Ingiriisku wuxu tacsi u dirayaa, dhammaanba bahda waxbarashada ee reer Somaliland- gaar ahaanna gobolka Gabiley, ehelkii iyo asaxaabtii Macallin Maxamuud Maxamed Warsame oo ku magac dheeraa ( ina Afey) oo ku geeriyo oday laguna aasay magaalada Hargeysa- maalintii Sabtida ee ay bishu ahayd: 11/05/2013
Wuxu baroordiiq gaar ah gaadhsiinayaa qoyskiisii iyo bahda xisaabta ee Somaliland!

Ilaahay macallin Maxamuud jannadiisa Firdowsa ha geeyo, innaga Samir iyo iimaan ha innaga siiyo.

Aamiin Allahayoow

Xasuustayda iyo Alle ha u naxariistee tilmaamihii macallin Maxamuud oo laba heer oo kala duwan macallin ii noqday- intii u dhaxaysey 1975kii illaa 1980kii.
Alle ha u nariistee macallin Maxamuud waxa uu lahaa tilmaamo aan caadi ahayn oo la yaab leh. Waxyaabaha xasuusta mudan ee ay xasuusan karaan intii taqaaney, waxa ka mid ahaa:

Dhinaca Bulshada dhexdeeda

Isaga oo ahaa, nin miskiin ah oo aan shar lahayn, makhluuquna ka nabadgalo
Isaga oo aanay waxba la ahayn waxyaabo badan oo dadka qaarkood la weynaa. Tusaale ahaan, Ilaahay ha u naxariistee macallin Maxamuud Afey; isaga oo macallin ah oo muunad ku leh oo jooga magaaladii uu ku dhashay oo ay cid waliba taqaanno ayuu hadduu doono, suuqa wax iskaga cuni jirey oo uu riyihiisa dheemaalka dooxa uga soo guran jirey!
Nin wuxu ahaa sifihii Gaandhii Hindiya leh oo aad mooddo, in uu aaminsan yahay aragtidii Gaandhi ee ahayd, ' Small is beautiful' oo aanay noloshu la weyneyn.



Dhinaca Macallinimada iyo Aqoonta:


Ilaahay Jannadiisa ha geeyee wuxu ahaa, nin aan la qiyaasi Karin.
Wuxu ahaa, nin Ilaahay ku manaystay maskax hibo rabbaaniya ah oo aan ahayn tu uu akhris iyo orod wax kaga dhaliyey
Rabbi ha u naxariistee, macallin Maxamuud wuxu ahaa; nin uu Ilaahay u fududeeyey furfuridda xis aabaha. Tusaale ahaan, annaga oo fasalka saddexaad ( form 3) iskuulka timacadde ku jirna; ayaa la noo sheegay , inuu iskuulka yimid Maxamuud Afey oo Lafoole ka soo qalinjabiyey- lagana yaabo in uu xisaabta noo dhigo. Markii aannu warkaa hellay, ayuu arday uu macallin Maxamuud dugsigii dhexe xisaabta u soo dhigay oo yaqaanay yidhi, ' Waar ninkii aynu ogeyn siduu wax odhan jirey oo xisaabtii jaamicad u galay wuu inna jiidhsiine, aynu haatan nidhaahno macallin kale noo raadi ya.


Ilaahay ha u naxariistee, waxa xasuus mudan; in maalin maalmaha ka mid ah isaga oo xisaab Tirign oomatari ah noo dhigaya, ay xisaabtii nala gashay; Eber eber u qaybi ( 0/0) oo aanu si hawlyar u wada nidhi waa eber. Yaabku haddaba wuxu dhacay, markuu macallin Maxamuud nagu diidey ee uu waliba caddeeyey; in aanay eber ahayn! Bal kaalay adiguba ka jawaab!! Maalintiisa ayaannu xasuusanay, taladii uu ardaygii soo jeediyey ee ahayd; waar xisaabta Ina Afey way inna jiidhiye aan cid kale raadsanno!

Maxamuud Maxamed Warsame(Ihun) wuxu ahaa, nin Ilaahay miyir iyo maan kale galiyo marka uu galaaska soo galo oo aad u deggan.
Wuxu ahaa macallin aad u far fiican oo ay sabuuraddu u riyaaqdo, si fiicanna u kala qorshaysta oo aan is -dhex-dhigin waxa uu qorayo.
Wuxu ahaa (Ihun), macallin sixitaankiisa cadaalad ku saleeya oo aan jawaabta oo kaliya eegine soo eega shaqada ardayga qabtay oo dhan.
Waxa la yaab lahayd oo tusaale fiican u ahayd macallin kasta, in aanu weligii Maxamuud Afey istic maalin calaamadda khaladka loo adeegsado ee ( x) ama (Cross)! Wuxu samayn jirey, calaamadda saxda- xataa haddaad xisaabta khalado- Laakiin wuxu kugu siin jirey; eber!


Ilaahay macallin Maxamuud jannadiisa ha geeyo, innagana Eebbe ha innooga daba naxariisto.

Aamiin...Aamiin

E-mail: timacadde56@hotmail.com