DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM
XUSEEN CALI XIRS
INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. Waxaan tacsi u dirayaa
xaasaskii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii, iyo
guud ahaan qaranka Soomaliland xukuumad iyo shacbiba geerida Maxuum
Mujaahid Xuseen Cali Xirsi Carwo
Marxuum Muj. Xuseeni, waxuu ahaa nin naftiisa u huray qaranka, isaga
oo ilaa xiligii gumeysiga ahaa shaqaale dawladeed, isla markaasna
qayb libaax ka qaatay halgankii SNM isaga oo dhammaan
guddoomayaashii SNM la shaqeeyey oo u ahaa Chief of Staff, isla
markaasna la soo shaqeeyey seddexda Madaxweyne ee Cabdirahmaan,
Cigaal iyo Riyaale, kaalin talo bixin ahna la lahaa Madaxweyne
Siilaanyo kolkan oo uu da' ahaa. Nin firfircoon oo ka dhaqdhaqaaq
badan dadiisa, waayo arag aan afkiisa xumaan iyo xajiimeyn ka
caaganaa, siyaasi danta guud ku hawlanaa oon marna ku danaysan.
Waxuu ahaa aasasayaashii xisbigii UDUB
Oday dhaqan iyo siyaasadda casriga ah isku si u yaqaanay, dhalin iyo
waayeel yaqaanay sida uu ula hadlo. Nin aan wax badan ka kasbaday
taariikh iyo aqoon dad iyo dalba ah.
Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u
nuuro una waasiciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina
waafajiyo samir iyo duco.
INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077
http://samotalis.blogspot.com/
|