TACSI MADAXWEYNE

 



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ah aanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Sheekh Cumar Qawdha n Muxumed oo ku geeriyooday maanta 04/02/2015 magaalada hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay mujaahid miisaan culus ku dhex leh qaranka somaliland iyo shacbigaba, baal dahab ahna kaga jiray, una hibeeyey wakhtiy adii adkaa ee dalku ka soo gudbay maalkiisa iyo muruqiisaba, door muhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa culimada waa weyn ee da lka.

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu farda wsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.






Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL.